shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shil baabuur oo ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

(Boosaaso,  May 11,  2010 Ceegaag Online)

Ugu yaraan Hal Ruuxi ayaa ku nafwaayey 5 kalena Dhaawac Culusi ayaa ka soo gaadhay kadib markii uu Shil Baabuur oo Naxdinle ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari gaar ahaan buundada (ALxamdulilaah) oo ah dalcad dheer oo Gaadiidku Fuulaan Xiliyada safarka ay ku jiraan, Kuna taalada Wada Laamiga ah.

Gaadhigani Rogmaday ayaa ku soo Jeeday Degmada Ceegaag isagoo u Waday Raashin iyo badeecooyin kala Duwan oo ka soo Qaaday magaalada boosaaso ee xarunta gobolkaasi bari, una soo Waday degmada Ceegaag oo Gaadhigaasi laga lahaa.

Mulkiilaha gaadhigaasi Cali Cismaan Tooxyare  oo Ceegaag.com u Waramaya ayaa sheegay inuu shilkaasi yimid kadib markii uu Gaadhigu kala soo noqday dalcada, kadibna gaadhigu ku soo dhacay dalcada hoosteeda Waxna gaadhigii soo gaadhay Bur bur Lixaad leh.

Inta badan Mudooyinka ayaa deegaanada Puntland Waxa ku soo badanaya shilalka Baabuurta oo Noqday Tusbax afka laga furay, mana jiraan wax dadaal Muuqda oo looga hortagayo Shilalkani faraha badan.
 
Cali dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com