shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekadaydii aan la soo maray Islam-ka wayn

(America,  May 31,  2010 Ceegaag Online)

Qore: Sara muslimah

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona  ha ahaato korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo asxaabtiisii dhamaan.

Intaas ka dib:

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa risaalad aad u muhiim ah, waa sheeka ay ka sheekaynayso gabadh Mareekan ah oo islaamtay muda hada laga joogo 12 sanadood, aniga warqadanu waxay I soo gaadhay iyada oo carabi ku qoran muda hada laga joogo 7 sanadood, intaan aqriyay baan meel  ku ilaabay, waxayna qadertu noqotay in ay maalmahan iga soo hor baxdo, marka waxan jeclaystay inaad ila aqridaan sheekadan ay hadhaysay qiirada iyo cibraduhu, oo aad igula noolaataan qader daqiiqada ah

Jawiga iimaanka iyo macaankiisa inshaa Allaah, waa sheeko I xusuusisay waqtiyadii asxaabtii iyo siduu mid waliba ku islaamay,waxa nicma aad u wayn ah, oo ay tahay inaad Allaah tacaalaa ugu mahad celisid had iyo jeer, inuu kaa dhigay muslim oo kaa dhaliyay guri muslim ah iyo shacab muslim ah, ogowna xanuunka ay leedahay qofka aanu Allaah intaa siin, ee uga debed baxa oo uga haajira ahalkiisii, asxaabtiisii, qaraabadiisii iyo shacabkiisiiba, diintiisa owgeed, gabadhan waxa sabab u noqotay

Islaamnimadeeda gabadh muslimad ah oo carbeed, oo ku soo jiidatay akhlaaqdeedii suubanayd iyo dhaqankeedii wanaagsanaa ee islaamka ahaa, waa arin ku dayasho mudan, oo aan ku boorinaayo walaalaha qurbaha ku nool rag iyo dumarba in ay ku daydaan gabadhaa muslimada ah, oo safiir ugaga noqdaan wadamad ay joogaan diintooda iyo dalkooda, oo ay ummadaha kale tusaan wanaaga islaamka iyo dadkiisa, oo aad maanka ku haysaan mar walba xadiithkii Rasuulkeena Maxamed sala Allaah calayhi

Wasalam ee macnihiisu ahaa: “walaahi in uu Allaah kugu hadeeyo nin keli ah, ayaa kaaga khayr badan geela cas cas”, dabcan waa markaad idinku ku dabaqdaan islaamka naftiina, waxaadna kaga cibrad qaadanaysaa risaaladan ruuxa uu Allaah tacaalaa la doono khayrka iyo hanuunka ee dabcan isagu doonayaa oo u dedaala, siduu ugu fududayo(dhamaan wixii loo abuuray baa loo fududayaa), qoraalkan iyada oo laga joogo mudo aad u dheer waqtiga ay gabadhu qortay, waxa dhici karta in uu mareegeheena

Hore ugu soo baxay, haday taasu jirtona waxa uun uu noqonayaa xusuusin xusuustuna waxay anfacdaa mu’miniinta, waana khayr khayr lagu daray waa laba khayr, ugu dambayn siday gabadhu dalbatay waxaan ugu ducaynayaa iyada saaxiibadeedii sababta u ahaydba in Allaah tacaalaa xaqqa ku sugo, ifka iyo aakhirobana ku siiyo caafimaad iyo raxmad iyo dhamaan mid kasta oo raacay kuna hadaysmay hanuunkiisii Nebigeenii Maxamed sala Allaah calayhi wasalam aamiin… waana sidan risaaladii gabadhu:

Asalaamu calaykum walaalahayga muslimadaha ahow

Islaamku waa wax wanaagsan, waa heer sare…Waana diinta keli ah ee aan dareemay wax ii soo jiidanaaya xagiisa si aan u rumeeyo oo u qaato, halkaan ka dhigtay 12 diinood, si aan uga doorto mid uun…waxaan idiin soo qorayaa qoraalkan aniga oo ooyaaya, oo ka tiiraanyaysan labaatan sanadood oo aan kaga sugnaa gaalnimo Allaah xagiisa… idinka qarin maayo walaalahayow, in aan ka hor islaamnimadaydii in aan dareemi jiray in ay diintu tahay wax aad ugu muhiim ah nolosheena, laakiin se maynu doonayno inagu hadaynu nahay Mareekan(Americans) in aynu ictiraafno muhiimnimadeeda…

Haa… waxay ka bilaabantay sheekadii iga soo martay islaamka wayni, markii aan la kulmay gabadh muslimad ah oo ka timid Sucuudiga, kama uu waynayn cimrigeedu labaatan sanadood… waxay iga dalbatay in aan ka caawiyo barashada afka ingriisiga, waxayna ugu hadli jirtay si fiican… bilihii u horeeyay ee aan wax u dhigaayay iyada, uma aan muujin wax ihtimaam ah diinteeda, in kasta oo aan aad u jeclaa caadooyinka muslimiinta. Waxa ugu horeeya ee I soo jiitaana wuxuu ahaa isku-xidhnaanta qoyska, ee aan beelay isaga ilaa maalintii cimrigaygu ahaa maalin keli ah!

Waxan ka maqnaaday iyada mudo ka badan shan bilood, laakiin se waxan ka caawin jiray arimaha qaarkood waqtiyada imtixaanada. Hase yeeshee mudadaa aan ka maqnaa oo dhan iyada, waxan uga fekeri jiray fikir aad u qota dheer, gabadhaa gashanaan jirtay jilbaabka(hijab)madow ee qarinaaya jidhkeeda oo dhan, bal xataa wejigeedii quruxda badnaa… waxay lahayd laba gabdhood oo ay walaala yihiin, aad bayna ii daryeeli jireen oo ii wanaajin jireen, taas oo aan xataa kaga khajili jiray mararka qaar  iyaga…

Saaxiibadahayga jaamacadu waxay igu odhan jireen: sidee baad ku aragtay muslimadaha waa jaahiliin(ignorant) miyaanay sidaas ahayn??? Waxana tiiraanyo igu sii kordhin jirtay sida aanay saaxiibadahay u fahamsanayn waxa ku wareegaaya hareerahayga iyo naftayda gudeheedaba… waxaan dareemi jiray in ay muslimiintu leeyihiin wax ay kaga duwan yihiin kuwa kale, iyada oo ay jiraan dacaayado marin habaabin ah oo ka dhan ah muslimiinta, hadana hadii aynu nahay gabdhaha mareekanka waxa ina cajebiya muuqaalka gabdhaha muslimadaha ah xataa yaynaanba u muujin taas ee.

Maalin roob da’aayo, waxayna ahayd maalin Axad ah, ayaan idhi maanta waxaan qabanayaa kiniisada waan in aan helaa jawaab!!!? Jawaab xaqiiqada Ilaah… iyada oo aana rabay in aan arintayda u sheego baaderiyad (nun), waxayna ahayd saaxiibaday… waxana galay qol cidla ah oo uu sudhan yahay saliib, waxana ku idhi: “ Rabiyow anigu waxaan ku suganahay mixnad, aanay cidina garanayn adiga mooyaanee… Rabiyow ii gargaar… Rabiyow ma leedahay wiil?! (Allaah ka koree waxaan idhi ee) adigu waad aragtaa ilmadayda waadna ogtahay jaahwareerkayga… 12 kaa diinood tee baan raacaa?!!

Waxaan jecelahay in aan noqdo muslimad… oo aan xidho jilbaab dheer oo madow, oo aan socdo jidadka… oo guursado nin carbeed oo u noolaado  si wanaagsan oo xor ah”!! in badan baan ooyay, ilaa ay timid saaxiibadaydii baaderiyada(nun) ahayd ayna igu tidhi: “adigu ma waxaad u ooyaysaa Ciise iyo sidii ay u salibeen?” isla ilbidhiqsigaa waxa aad iigu sii kordhay xanuunkii I hayay… waana saydari kari waayay naftaydii aadna waa u tacabsanaa ilaa heer burburid ah… waxana ku dhacay dhulka anoo rafanaaya… waana qayliyay aniga oo gacantayda ku taagaaya xaga saliibka… hadal (jane) yay ma yahay waxa aynu ka ictiqaadsanahay saliibka kani run??

Anigu waan jaahwareersanahay!!  Waa kuma Ilaah!? hadii aad rumaysan tahay in Allaah yahay saddexii saddexaad (trinity) (halkan aan yara jilcino waa intaas oo ay jiraan aqristayaal fahmi waayaa ee, kiristaanku waxay aaminsan yihiin in saddex laysu geeyay uu yahay ilaah keli ah wacayaadu billaah, oo ah ciise calayhi salaam, waana ciise waa inankii ilaah, waana aabihii, waana naftii muqadaska ahayd)!!?? Ma kari karo in aan u adkaysto been intaa ka badan… ii sheeg runta… diintee baan raacaa?? Waayona… waxa hadalkii iga soo dhex gashay Jane wayna fajacsanayd iyadoo leh: “haa qaaliyay xaqq baad u leedahay inaad waydiiso  su’aalahan oo kale… aniga laftaydu waan waydiiyay naftayda kumanaan jeer su’aalahakan…”!!

Dabadeedna gacanta bay I qabatay waxayna tidhi: “laakiin waxaas oo dhan ka dib, waxan qabsadaa Injiilka (bible) waxaana ilaabaa dhamaan su’aalahaa uu shaydaanku ku soo tuuraayo nafteena…” iyadii baan eegay waxaana idhi: “intee baad ka gaadhay mukur adigu!”

Meeshii ayaan ka tegay, waana baxay aniga oo hamiyaaya oo aan garanayn meel aan qabanaayo. Si kedisa ah waxan arkay niman ay ka muuqato in ay muslimiin yihiin lebiskooda… xagoodii baan u dheereeyay… waxana idhi: “fadlan fadlan” waxana bilaabay in aan ooyo oohin xoog ah waxana idhi: “xagee ayaan ka heli karaa in aan kula kulmo saaxiibado muslimado ah?” waxay iigu yidhaahdeen cod uu ka buuxo xanaan iyo diiranaani: “kaalay noo raac anaga waxaanu tegaynaa halkaa oo aan ku tukanaynaa ee”… waxan idhi: “ma kari karo in aan tago aniga keliday… ee uun ii sheega halka uu yahay xarunta islaamku?”…

Halkaas ayaan tegay waxaan xidhnaa tanuurad (miniskirt) gaaban oo ruugaga ii joogta… meeshii baan galay, waxana dareemay in islaamka uu xididadayda maraayo… waxana dareemay khajilaad dharka aan xidhanahay, ka dib markaan arkay muslimado xixijaaban… waxaan arkay dharkii salaada oo yaala dhinac, waxana ku idhi naftayda: waayo maxaan u saari waayay mid ahaan kubabkayga… waana samayay…

Markaas bay I waydiisay mid muslimadaha ka mid ahi: “ahlan biiki… ma waxaad rabtaa inaad wax ka ogaatid islaamka?”… waxan idhi: “haa.. oo waxaan jecelahay inaad ii sheegtid islaamka… fadlan”! waxay tidhi: “taasu aad bay ii farxad gelinaysaa, laakiin maka aqriday waxna islaamka?”. Waxan u jawaab si ka noqnoqod leh: “haa wax badan baan ka aqriyay, waxana u ahay muclimad (tutor) guri mid ka mid ah gabdhaha muslimadaha ah ee Sucuudiga”.

Waxay tidhi: “waa hagaag, way I farxad gelinaysaa hadaad igu soo booqatid gurigayga, si aan wax kaaga baro islaamka”… waan farxay ilaa aan ooyay farxad owgeed… waxana idhi: “mahadsanid mahadsanid…”. Waqtigaa waan ku hadli jiray afka carabiga laakiin waxaan ugu hadli jiray si daciif ah iyo jumlado aan isku tartiibsanayn.. waxaan si is daba joog ah u tegaayay guriga muslimadan mudo ku dhow laba bilood, dabadeed waxa ii yimi war xanuun badan, oo ah in ay u diyaar garoobayso dhoof ay ku tegayso wadankeedii, sidaas darteed ma ay kari karto in ay ila sii wado…

Waan sii wadacay aniga oo ooyaaya oo aad uga xanuunsanaya… tan kale… ma aan kari karo in aan tago xarunta islaamka had iyo jeer si aanay iigu fiirsan cid ka mid ah saaxiibadahayga iyo ahalkaygu… waxaan ku noqday gurigaygii waana sujuuday sidaan ka arkay muslimadaha… waana ooyay waxana idhi: “Ilaahow ii soo dir cid ii gargaarta… Ilaahow anigu waxaan jeclaaday islaamka, waana rumeeyay isaga, ee ha iga xarimin fursada ah in aan noqdo muslimad, haba ahaato maalin keli ah ka hor inta aanan dhiman ee…”

Maalin maalmaha ka mid ayaa si kedisa ah tilifoonkii guriga loo soo garaacay, waan qaaday mise waa codkii saaxiibkay (boyfriend) oo leh: “ waxaanu leenahay xaflad solay ah maanta, ee ma ii iman?”.. waxan idhi: “waan rajaynayaa taas, laakiin se ma kari karo”.. ilaa iyo maalintaa ka dib lama aanan kulmin isaga, xataa codkiisa ma maqal, waayo waxaan ka maqlay saaxiibadaydii muslimada ahayd ee Sucuudiga, in saaxiibku (boyfriend) uu xaaraam yahay islaamka, hadii aanu halkaa jirin meher isu kiin hayaa…

Ka dib markii aan xidhay samaacadii tilifoonka, ayaan tegay qolkaygii… waxan soo saaray xijaab ay hadyad iigu keentay gabadhii Sucuudiyada ahayd, waxana u xidhay siday samayn jirtay iyadu… waxan eegay wejigaygii oo idhi: intee ku qurux badanahay xijaabka kan.. waxan ku celiyay sanduuqiisii dabadeedna waan seexday hurda aad u dheer… mar mararka ka mid ah ka dib bil ku dhowaad, baan ooyay ka dib markii aan aqriyay kutub diinta islaamka ah, ilaa aan ku seexday kursigii qolka fadhiga… waxaana ku kacay tilifoonkii oo is garaacaya sideedii habeenimo, mise waa saaxiibadaydii Sucuudiyada ahayd, waxayna igu tidhi: “Saara miyaad huruday?”

Waxan ku idhi: “haa, laakiin se muhiim maaha ee… iska waran adigu??” si kedisa ah baana u ooyay, waxay tidhi: “Saara maxaa ku helay… ma waxa jira halkaa wax ku xanuujinaaya?? Waa maxay arintu??” waxaana ku idhi: “I maqal saaxiibadayay anigu waxan la tacabsanahay jaahwareer, waxan dareemaya in uu jiro arin la yaab leh oo gudahayga soconaaya… ma tahay suura gal in aan imaado gurigaaga caawa? Waxan dareemayaa in maanta ay tahay maalintaydii u dambaysay…” waxay igu tidhi: “xusuusnow Saara in gurigaygu uu yahay gurigaagii aniguna adiga… sidaas darteed ku soo dhowow waqti alaale iyo waqtiga aad doonto..”

Waxan dareemay kulkaygii oo kor u kacaaya, madax wareerkuna wuu igu sii kordhay, dareemistayda diiqadna waxaad moodaa in ay I dilayso. Laakiin se kala duwanaashuhu halkan wax weeye, inaan mar kasta oo aan dareemo intaas oo burbur ah, waxan ku fekeri jiray in aan is dilo(suicide)… laakiin markan halkaa waxaa jira wax, waxan dareemayaa in aan doonaayo in aan samayo wax taas ka wayn… waana… isbedel… waxan u baxay gaadhigaygii waxana ku sigtay in aan duqayo gawaadhi badan darnaanta tacabkii I hayay dartii… iyo maqnaansha jooganimada I saydartay mudo 4bilood oo dhan ah….

Waxan qabtay gurigii saaxiibaday waxaana albaabkii iga furay walaalkeedii waynaa, wuxuuna igu yidhi: “asalaamu calaykum Saara”… waxaan ugu celiyay salaamtii sidii ay ii bartay saaxiibadaydii safarka ku maqnayd… laakiin waxaan ugu celiyay si dareensiisay isaga in aan wuxuun ka baqaayo… laakiin waxaa aamusnaantayadii soo dhex galay.. codkii saaxiibaday oo leh: “marxaba marxaba soo dhowow Saara”… waxan galay gurigii iyada oo ay gudahayga wax badani ka jiraan… waxaa gudahayga ka jira dab aan damin mudo todobaadyo ah… bal bilo… bal ilaa intaan u soo baxay caalamka kan!!..

Waan la fadhiistay iyadii, waxayna ii keentay qaxwe carabi ah, kaas oo ah waxyaabaha ugu wanaagsan marti gelinta Sucuudiya… waan cabay qaxwihii… ka dib bal ilaa iyo markaan soo galay gurigan diiran, waxaan dareemay amaankii aan dooni jiray noloshayda oo dhan… waxan kala sheekaystay saaxiibaday waxa gudahayga ku wareegaaya, ka dib sheeka dheer… way kacday waxayna igu tidhi: “adigu diyaar ma u tahay in aad noqotid muslimad???” waxan ku idhi: “haa… bal waxan rabaa taas hada”…

Waxay tidhi: “feker ka hor inta aadan qaadan qaraarka kan wayn oo kale”… waxan ku idhi: “anigu waxaan dareemayaa in diinta tanu tahay diinta saxa ah, bal waan hubaa taa.. ii dhakhso walaashayay oo I dheh sida aan ku noqon karo muslimad?”… waxay igu tidhi saaxiibaday: “hadadan waxad kari kartaa in aad noqotid muslimad, waxad tidhaahdaa oo keli ah: “ashahadu an laa ilaaha ilaa Allaah, wa ashahadu ana Maxameda rasuulu Allaah”… waxan ku idhi: “waa hagaag, ii laqin iyada kelmed kelmed”… waana ku celceliyay anoo kor ugu dhawaaqaya, wadnahaygiina waxaa sii kordhaayay isgaraacistiisa dheeraynaysa oo kor ah, ilmaduna way iga da’aysaa…. (ashahadu… an… laa ilaaha ilaa Allaah… wa ashahadu… ana… Maxameda rasuulu Allaah).

Waxan eegay saaxiibaday, waxana ku idhi cod dheer: “waxan ahay muslimad… waxan ahay muslimad… waxan ahay muslimad cusub… maanta ayaan mar labaad dhashay… maanta magacaygu waa muslimah…  iiguma yeedhayaan Saara maanta ka dib… bal waxay iigu yeedhayaan muslimah… nabaday Saaradii hore… nabaday welwel iyo jaahwareer… maanta laga bilaabo uma baahan doono inaan ka fekero xalka bilaa macnaha ah ee saddexaynta(trinity)… laga bilaabo maanta anigu ma ihi mid denbowday…”

Anigu waxaan ahay muslimah!

Taas ka dib baan ku noqday gurigaygii… aniga oo aad u degan oo xasilan… ma aan karin in aan seexdo, mana aha in aan welwelsanahay ama jaahwareersanahay… bal waa in aan faraxsanahay… waxan dhigtay buusaladii(compass) si aan u garto meesha ay iga xigto qibladu… waxan goglay sijaadadii salaada, waana tukaday salaadii iigu horaysay islaamka, salaadii cishaha waayo waqtigeedii ma bixin weli… sajdadii u dambaysay… waxaan sujuudsanaa 30 daqiiqadood aniga oo ooyaaya farxad owgeed, Allaah ayaan ka baryay in uu I gargaaro oo igu sugo jidka xaqqa ah.

Maalintanu waxay ahayd maalintii taariikhdii dhalashadayda… (16-7-1999)… magacayguna waa muslimah, warqadaydii aqoonsigana waan bedelay, suuradaydiina waxan ku bedelay mid aan xijaab xidhanahay…. Waxaan soo maray ayaamo adag oo badan, hada waa waqtigii aan nasan lahaa… oo aan noqonayo mu’minad… ka dib labaatan sano oo aan baadi iyo lunsanaan ku sugnaa. Waxan tilifoon kula hadlay saaxiibadaydii dhooftay waxana gaadhsiiyay warka islaamnimadayda… waxayna ku faraxday farxad tii ugu waynayd…

Laakiin se sheekadu ma dhamaan weli… waxa timid adkaanta sidaan ugu sheegi lahaa ahalkayga warkan… laakiin waan saydaray naftaydii oo waan is adkayay, waqtiguna wuxuu ahaa ciidihii kiristanka (christmas)… waxaan gashaday xijaabkaygii, waxana soo galay aabahay, hooyaday iyo walaalkayga keli ah. Saara… waa maxay waxaasu?!!! Waxa qayliyay walaalkay… waxaan ku idhi iyada oo ay ilmadu buuxisay indhahayga: “kanu waa xijaab… anigu maanta muslimad baan ahay… magacaygu waa muslimah, ee maaha Saara.

 

 

Way yaabtay hooyaday midabkii wejigeeduna waa is bedelay waxayna tidhi: “qaaliyadaydiiyay miyaad waalatay!?? Sidee baad ugu raali noqotay islaamka diin ahaan?! Waxan ku idhi: “islaamku waa diintaydii, Maxamedna waa nebigaygii, Allaahna waa rabigayga, quraankuna waa kitaabkayga, Khadiija iyo Caa’ishana waa ii ku dayasho, America waa wadankaygii, adiguna weli waxaad tahay hooyaday Maari(Mary),adna waxaad tahay aabahay Joon(Jhon),adiguna waxaad tahay walaalkaygii aan jeclaa ee la koolkoolin jiray Maark(Mark)… waxaad tihiin idinku qowskaygii… ma jiro wax cusub oo aan ahayn, in aan anigu is bedelay… waxan noqday muslimad, aniguna hadeer ayaan farxad iyo deganaansho badanahay… waxaan dareemayaa in aan ahay dad… waxaan dareemayaa in aan xor ahay… waxana ugu dhegay hooyaday iyo aabahay si xoog leh, waxana ka muuqatay iyaga calaamado saamayn ah…

Waxay tidhi hooyaday: waxba ha welwelin taan jeclaayay, laakiin ka waran kan aad gashan tahay xijaabka….???!!! Waxan ku idhi: hooyo kan waa lebiskayga… waana jecelahay mana kari karo in aan iska bixiyo… maya maya ma kari karo… waxay tidhi hooyaday: laakiin maxay dadku odhanayaan?? Waxay odhanayaan oh! ma aragno timihii Saara ee dahabiga ahaa ee wanaagsanaa… waxaan ku idhi: hooyo tanu muhiim ma aha… ee muhiim waxa ah, in aan ahay muslimad.

Waan ku gudbay imtixaankii Allaahna waan u mahad celiyay…. Markii ay tageen ayaan u qoray warqad aan raaciyay saddex xabo oo ubax  cadcad ah… waxaana ku qoray: 

Hooyaday, Aabahay, walaalkay…

Waan idin jecelahay welina waxaan ahay gabadhii qowska… welina waxaan ahay Mareekan, markaa fadlan igu aqbala muslimad ahaan… munaasabad ahaan… way I cajebiyeen hadyadihii wanaagsanaa ee aad ii keenteen… laakiin waxan rabaa in aan idiin sheego arin… waana in aanan kari karin inaan idinkala qayb galo xafladaha ciidaha sanadka soo socda… waan ogahay in ay taasu u muuqato arin murugo leh… laakiin waan idinka aqbalayaa hadyadaha aad ii keentaan…

Hooyo xusuusnow in aan weli ku jecelahay… Aabe xusuusnow in aan weli ku jecelahay… Walaalkay xusuusnow in aan weli ku jecelahay.

Tii idin jecelayd: Muslimah

Waa taa sheekadaydii… sheekadii dhalashadayda mar labaad… waxan idinka rajaynayaa walaalahayow inaad ii soo ducaysaan… waxan idinka rajaynayaa inaad si aad ah iigu soo ducaysaan…

Loving you

Written by: American Muslimah

Translated by: Khadijah (my Arabian friend)

 

Waxa Soomaali u turjumay: Essa Mohamoud Aadam

Almutawaadic@yahoo.com

Risaaladan ka dib, ma shaki baa ku jira waynaanta islaamka!? Waa uun su’aal… ku socota ducaada cilmaaninimada ee maskaxda badan!!

Wabillaahi atowfiiq
 

webmaster@ceegaag.com