shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya oo la Kulmay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Gobolka Minnesota.

(Minneapolis,  May 05,  2010 Ceegaag Online) 

Safiirka Dowlada Mareykanka u fadhiya Dalka Kenya Michael E. Ranneberger ayaa  kulamo gooni gooni ah la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka.

Danjiraha ayaa qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota kala hadlay arimo kala duwan oo khuseeya qurba joogta Soomaaliyeed, waxa uuna danjiruhu xusay in ujeedada Safarkiisu ay tahay sidii Jaaliyada Soomaalida uu kala hadli lahaa doorka ay ka qaadan karaan xal u helida arimaha dalka Soomaaliya.

                       

Danjire Michael E. Ranneberger oo u waramayay Saxaafada ayaa sheegay in Jaaliyada Soomaaliyeed ee uu la kulmay ay aad u soo dhaweeyeen isla markaana sida uu sheegay uu garwaaqsaday sida ay Jaaliyadu baahi weyn ugu qabto nabad ka aslaaxda Dalka Soomaaliya.

                      

Xubnaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee la kulmay Danjiraha ayaa tilmaamay in ay talooyin u gudbiyeen Danjiraha,  kuwaas oo ku aadan aragtidooda ku wajahan sida wax looga qabankaro xaalada Dalka Soomaaliya, waxeyna muujiyeen sida ay uga xunyihiin khilaafka ka taagan Barlamaanka Soomaaliya, iyagoo hoosta ka xariiqeen in Dowlada KMG ah ee haatan jirta ay tahay tan sharciga ah sidaasi darteedna ay Mareeykanka ka codsadeen in ay taageero wax ku ool  ah u fidiso Dowlada, si dalka looga saaro kooxaha dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com