shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

NSUM  oo shir uqabatay dadwaynaha SSC ee Minnesota .

(Minnesota,  May 06,  2010 Ceegaag Online)

Maalintii sabtida 5/1/2010 magaaladda Minneapolis waxaa lagu qabtay shir ay soo abaabuleen Chapterka Minnesota ee  ururka NSUM.  Shirka waxaa ka soo qayb galay dadweyne fara badan oo ka kala yimi magaalooyinka gobolka Minnesota. Shirka waxaa ka soo qayb galay Gudiga odayaasha SSC ee gobolka Minnesota, Gudiga Gabdhaha SSC ee Minnesota iyo culimo iyo aqoonyahano ka tirsan bulshada SSC ee gobolka Minnesota. shirkan ayaa wuxuu isugu jirey  warbixin,wacyigalin iyo u diyaar garowga shirweynaha NSUM ee xagaaga.   

 

  Shirka waxaa wacdi qiimo badan ku furay Sh. A/qadir Cascase. Intaa ka bacdi  Ururka NSUM waxuu ka warbixiyay Taariikhdiisa, Xilligii la aasaasay,ulajeeddada loo aasaasay, waxay ay soo qabteen iyo waxyaalaha ay rabaan inay qabtaan mustaqbalka dhow iyo kan fogba. Ururka NSUM  ayaa waxay soo bandhigeen warbixino dhamaystiran oo ay ka muuqata aqoon iyo xeeldheeri siyaasadeed kuwaas oo muujinaya sida ay NSUM u  burburiyeen himiladii jamhada SNM  ee ku dhisnayd nacaybka, kala qaybinta iyo beenta  ay ku baryi jireen caalamka. 

 

Ururka NSUM  oo ah aqoonyahano  ayaa waxay sheegeen inay waqtigooda iyo dhaqaaloohoodaba ku bixiyeen inay ka hortagaan kala goynta dalka soomaliya. waxay warbixinta ku sheegeen inay la xiriireen wadamo badan oo ka mid ah yurub,America, Aisa iyo Afrika, oo ay u sheegaan xaqiiqda ka jira waqooyiga Soomaaliya iyo guud ahaan dalka soomalia. Waxay NSUM sheegeen inay inta badan  la kulmeen qaarna qoraalo kula xidhiidheen dhamaan madaxda  arimaha soomaliya u qaabilsan midowga Yurub, Midowga Africa, Qaramada Midoobey iyo jamacada Carabta.  Ururka NSUM waxay sharaxaad dheer ka bixiyeen guulihii ay ka gaadheen xirrika caalamiga ah ee ay la sameeyeen aduun weynaha.  Warbixinta ay soo gudbiyeen xubnaha NSUM ee Minnesota ayaa si aad ah u kicisay shucuurta dadweynaha.

 

Ururka NSUM waxay soo gudbiyeen warbixin in   Minnesota lagu qabon doono shirweyne guud bisha July  ee nagu soo fool leh. Shirkaas oo ay imaan doonaan wafuud ka kala imaan doonta aduunka dacaladiisa. Ururka dadweynihii shirka isugu yimi iyo gudiyada SSC waxay ka codsadeen inay ka qabqaataan diyaar gorowga shirka,arintana way ka aqbaleen . Ururku waxay dadweynaha u qaybiyeen forms kii mumbershipka NSUM, waxay buuxiyeen formskii iyagoo ku dhawaaqaya  inay maanta laga bilaabo hiil iyo hoo la garab taagan yihiin. waxay sheegeen inay  magaaladda Mnpls ee Mn ka furan doonaan xafiis uu ururku leeyahay maadaama ay ku badan yihiin dadka reer SSC-da.

 

 Shirka waxaa ka hadlay  culimo, aqoonyahano iyo waxgaradka bulshada SSC ee ku dhaqan Minnesota. Dhamaan waxay isku raaceen in la xoojiyo midnimada iyo wada shaqaynta lana taageero ururka NSUM. Waxay dadweynaha ku booriyeen in la qaato form ka NSUM lagana mid noqdo ururka yar iyo weyn.  Hadaan tusaale u soo qaadano  hadaladii qaarka mid ah dadkii shirka ka hadlay. Shiekh Abdirashiid Macalin oo ka mid ah culimada somalida ahna aqoonyahan soomaaliyeed. Waxuu si xeeldheer uga hadlay sifooyinka iyo  dhaqanka looga baahan yahay  qofka raba inuu hogaamiye noqdo. Sheekhu waxuu ka sheekeeyey taariikhda dadka aduunka waxka bedeley iyo dhaqamadoodii wanaagsanaa. " Qof aan lahayn  aqoon, diin iyo dhaqan wanaagsan umada ma hogaamin karo, inta aan ka aqaan iyo waxqabadkooda muuqda dadka NSUM hogaamiyaa waa dad  guud ahaan iyo gaar ahaanba umada hogaaminkara "  Waxaa shirka ka hadlay Xaaji Mohamud nuur oo ka mid ah gudiga odayaasha SSC ee minnesota. xaajigu waxuu NSUM ku amaanay guulaha ay ka gaadheen u dagaalanka midnimada Soomalia iyo bisaylka siyaasadeed oo ay muujiyeen mudadii ay howsha wadeen. Xaajigu waxuu dadka ku waaniyey inay taageeraan Ururka NSUM.   Aqoonyahand Sahra Gamgam oo ah Gudoomiyaha gudiga gabdhaha SSC ayaa shirka ka jeedisey hadlo taabtay shucuurta dadweynaha.  Sahra oo ku hadlaysay magacaga dhabdhaha SSC ee Minnesota waxay shirka ka cadaysay inay gabdhahu diyaar u yihiin sidii ay ula shaqayn lahaayeen Ururka. Waxay ururka ku bogaadisay shaqada ay u hayaan bulshada SSC iyo guud ahaan umada somaliyeed. " Aduunku dagaalkii iskeen siida ahaa waa ka gudbey, waxaa lagu dagaalamayaa qalin iyo aqoon. Dagaalku waa laba iyo toban qaybood oo waxaa ugu liita iskeen sii. NSUM waxay ku dagaalamayaan qalin iyo aqoon waana sidii guul lagu gaadhi lahaa ee hala taageero." Sahra waxay kula talisay chapterka MN in ay shaqadooda laba laabaan, garaacaana albaab kasta.

 

Su,aalo iyo kelmadii dad weynaha.

 Dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa waxay  bilaabeen Su'aalo iyo hadalo  xaqiiqo raadin ah. Su,aalaha oo  badnaa  ayaa waxay isugu jireen sidii gudihii dalka wax looga qaban lahaa,  sidii loo midayn lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo su,aalo ku saabsan Ururka iyo sida uu u shaqeeyo. Suaalaha dhamaan waxaa ururku uga jawaabey si hufan oo daacadnimo ka muuqato dadweynuhuna ku qanceen. Dhanka talobixinta waxaa ka mid ahaa  Oday Mohamud dhaanto oo isugu  sheegay inuusan ka war hayn waxqabadkan qiimaha badan ee Ururku muujiyey. Waxuu cadeeyey in si khaldan waxloogu sheegi jirey. isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yidhi " Hidii waxaad noo sheegteen jiraan Ururkan cidi ma diidi karto waxaadna qabanaysaan waxaan hore loo qaban, laakiin  anigu marka hore waan hubsanayaa inta anaan mumberka noqon" . Aqoonyahan Hassan Mahdi X. Farah. Xassan waxuu dadweynihii meesha isugu yimi u sheegay in lala shaqeeyo ururka maadaaba aan lahayn cid aynu maanta barbar dhigno. Hadaladii Xassan waxaa ka mid ahaa " Somalidu runta isuma sheegto dadkana ma kala saaraan kan wax u qabanaya iyo kan kale, dadweynow waxaan idiin soo qabanayaa meel weyn, waxaana idiin qabanaynaa dood ku salaysan aqoon iyo xiqiiqo raadis,  qofkii NSUM aqoon iyo waxqabad kula tartamayaa hasoo diyaar garoobo, hadii kale halala shaqeeyo". Ugu danbeytii waxaa shirka ka hadlay Sh. Abdulqadir Cascase oo ka sheekeeyey sida loogu baahan yahay in lala shaqeeyo dadka aqoonta iyo dhaqanka wanaagsan leh oo bulshada wax u qabanaya. Sheekhu waxuu sheegay inuu xubnaha  hogaanka NSUM qaar ka mid ah uu aqoon dheer u leeyahay ayna yihiin kuwo maanta umada hogaamin kara. Sheekhu waxuu ku taliyey in si barbaryaaca la iska daayo, dadkana lagu qiimeeyo, kartidooda, aqoontooda iyo waxa ay qabteen.  Sheekhu waxuu soo qaatay tusaale uu shirka ku soo gunaanadey.  Waxuu aha sidan.”  Tartanka orodada aduunka waxaa isugu soo hadha dad xul ah oo gobolo iyo wadamo laga soo ururiyey, dadkaasoo isku darsaday tababar iyo kari dheeraad ah. Dadkaa oo dhami  bilad ma qaataan, inay jilibka godaan oo ruxaan iyadoo aan orodku bilaabman bilad laguma qaato. Waxaa qaata qofka dheereeya. NSUM way dheeraysay sidaasaanuna ku taageernay. Qolyaha jilib xurayo ilaa aad tartanka gashaan bilad qaadan maysaan”

Shirkan ayaa ku dhamaaday guul iyo jawi aad u qurux badan.

NSUM MN Chapter  Chairman

 

webmaster@ceegaag.com