shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nin caloola-Cad Joogay wuu Cibaaro Qabaa! (Qalaanqalka Siyaasadeed ee Somalia).

(Muqdisho,  May 20,  2010 Ceegaag Online)

Xamaasad siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa maalmihi ugu dambeeyay ka socotay xarunta Villa-Somalia ee magaalada Muqdisho, hardankan ayaa soo yahoomay markii Baarlamaanka DKMG ah ee Somalia xilkii ka qaadeen Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) afhayeenki Baarlamaanka Somalia, markii majaraha siyaasada laga tuuray Aadan Madoobe waxaa bilaabmay ciyaar cusub oo sababtay in madaxweyne Sheikh Sharif xilkii ka qaado Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali.
 
Wax yar ka dib markii xilka laga qaaday Gudoomiyihi Baarlamaanka Sheikh Aadan Madoobe wuxuu shir jaraa'idku qabtay gurigiisa uu ka deganyahay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, Aadan Madoobe ayaa warfidiyeenada u sheegay inay isla dheceen xukuumadi uu hogaaminayay Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
 
Wax yar ka dib Sheikh Sharif oo garabkiisa uu fadhiyo Aadan Madoobe ayaa warfidiyeenada u sheegay in xukuumadi uu hogaaminayay Cumar C/rashiid dhacday, isagoo intaasi ku daray in dowlada cusub ee la soo dhisi doono uu ka mid noqon doono gudoomiyaha laga takhalusay ee Aadan Madoobe.
 
Jawaabti Sharmaarke:
 
24 saac kama soo wareegin markii Ra'iisulwasaare sharmaarke shir jaraa'id ku qabtay Villa Somalia, isagoo ka jawaabaya hadalki ka soo yeeray madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, Mudane Sharmarke ayaa halkaa ka akhriyay bayaan ay si wadajir usoo saareen golaha xukuumada.
 
Mudane Sharmaarke ayaa ku adkaystay inaanu xilka iska casili doonin ilaa loo soo maro sharci iyo cadaalad, hadalka Sharmaarke ayaa ceeldheer ku riday rajadi dowlada cusub ee uu filayay madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed.
 
Sacabtunki Wallad Abdala:
 
Arrinta layaabka ku abuurtay waxgaradka iyo shacabka soomaaliyeed ayaa ahayd markii wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay arrimaha Somalia Ahmed Walad Abdala si lama filaan ah usoo dhoweeyay go'aanki madaxweyne Sharif ku kala diray xukuumadi uu hogaaminayay Ra'iisulwasaare Sharmaarke.
 
Dad badan ayaa soo xasuustay khilaafki madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Nuur Cadde, markii madaxweyne C/laahi Yuusuf shaaciyay Nov-2008 inuu xilkii raysalwasaarenimo ka qaaday Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde), waxaa warbaahinta la hadlay Ahmed Wallad Abdalla oo sheegay inaanay sharciga waafaqsanayn in Madaxweyne Yuusuf shaqada ka baaciyo Ra'isulwasaare Nuur Xasan Xuseen.
 
Wallad Cabdala ayaa si adag uga soo horjeestay go'aanki madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sheegay in aanay sharciga waafaqsanayn xilka qaadista loo soo maray Nuur Cadde.
 
Balse Wallad Cabdala ayaa fashilmay markii uu u sacabtumay xil ka qaadista Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali, isagoo leh " Waxaan taageeraya go'aanki madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif xilka kaga qaaday Cumar C/rashiid, waxaanuna leenahay waxaad raacday wado sax ah" bal misaanke bay ku fadhida kalmada noocaasi ah.
 
Khibrada Cusub:
 
Sababti keentay inay burburto dowladi uu hogaaminayay madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ahayd khilaafyadi soo dhexmaray C/laahi Yuusuf,Cali Maxamed Geedi, iyo Nuur Cadde, kii ugu dambeeyay ee uu shaqada kaga tegay madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa la dhihi karaa waxay khibrad u noqon kartaa madaxweyne Sheikh Sharif iyo Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
 
Marar badan ayuu soo noqnoqday khilaafka xaga sharciga ah (Panel Code Charter) kaasi oo ay masuul ka yihiin golaha Baarlamaanka (Legislative Council) , hadaba mala dhihi karaa dhibaatada ugu wayn waxay ka soo unkamaysaa golihi baarlamaanka oo aan haqadooda si wanaagsan u wadanayn?.
 
Jawaabta su'aashaas waxaan uga tagay akhristayaasha sharafta leh, bal aan soo halqabsado Geeraar uu tiriyay nin la dhihi jiray Salaan Carabay, wuxuuna u tiriyay laba beelood oo diriri dhexmartay, markaasi ayuu isagoo dejinaya yiri:
NIN CALOOLA CAD JOOGAY WUU CIBAARO QABAAYE
WAR TOLOW COLKA JOOJA.....................................
 
Gabagabo:
 
Odhaahda aan titleka ka dhigay waxaan uga gol leeyahay inay ogaadaan madaxda Dowlada Somalia wixii sababay inay burburaan dowladihi hore ee soo maray wadankeena Somalia, hase ahaate waxaa muuqata in khilaafkaasi iska soo afjarmay markii 20-May-2010 uu madaxweyne Sharif dib u magacaabay ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
 
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa booqday guriga ra'isulwasaaraha si ay ugu soo hambalyeeyaan, waxaana uu ra'isulwasaaruhu u sheegay in si sharci ah isaga dib loogu soo magacaabay.
 
WARSAXAAFADEEDKI MADAXWEYNE SHARIIF:
 
Madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed markuu dib u eegay warsaxaafadeedkii May 2010 ee ku saabsanaa soo magacaabidda ra’iisul wasaare cusub, isaga oo ku saleeyay warqaddii uu soo gudbiyay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo tilmaameysay in baarlamaanku uu kalsoonidii kala noqday xukuumadda.

Iyada oo ay caddahay in madaxweynaha oo kaliya uu xaq u leeyahay soo magacaabidda ra’iisul wasaaraha, markii ay soo marto dariiqa sharciga ah.

 
Markii uu tix galiyay talooyinkii garyaqaannada iyo xildhibaannada oo muujinaya in habkii kalsooni kala noqoshada xukuumaddu aysan dhammeystirneyn qaab ahaan iyo qodob ahaanba.

Markuu tix galiyay xaaladaha iyo duruufaha adag ee uu dalku marayo, taas oo loo baahan yahay in looga gudbo midnimo wada jir iyo isku duubni, waxaa lagu wargalinayaa ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda in ay howlohoodii si caadi ah u wataan, xilkoodana si hufan u gutaan.


 
FAALLO QORE:
Cabdirashiid Maxamed Daahir (Lacle)
Email:lacle1004@hotmail.com


webmaster@ceegaag.com