shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mashruuc indhaha loogu fiiqayo dadka kunool Magaalada gaalkacyo iyo koonfurta Soomaaliya oo maanta gaalkaco lagu soo Xidhay

(Gaalkacayo,  May 01,  2010 Ceegaag Online)

Mashruucan Indho fiiqista ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka soconayay isbitalka Koonfurta Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug kaas oo ay iska kaashanayeen Hay’ada Indhaha Alnuur oo uu fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho iyo Hay’ada MSF ayaa waxaa ka faa ideystay dad aad u farabadan oo iyagu qaarkood loofuliyay howlo Caafimaad dhanka Indhaha ah halka kuwona loo fidiyay howlo indho fiiqis ah.

waxaa uu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed iyo kuwa gaalkacayoba in hadii ay iska dareemaan waxyaabo aragooda wax u dhimaya in ay tagaan goobaha caafimaadka indhaha, waxaanu uga digay in ay ku dhaqaaqaan oo ay isticmaalaan waxyaabo laga tagay oo dadkii hore soomalidu isticmaali yireen kaas oo Qatar ku ah indhahooda.

Sidoo Kale Waxaa soo dhaweeyey Howlaha indha fiiqista Guud ahaan shacabka kunool gobolka Mudug iyo gobolada dhexe ee somalia oo aan Helin wax dhakhtar ah oo ka Caawiya indha la,aanta soo foodsaartay iyo dhibaatada Haysta oo iminka aad u soo dhaweeyey talaabadan ha,yadaha samafalku u fuliyeen.

Cali dhagjar

Ceegaag.com

Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com