shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif oo kala diray xukuumadii Raiisul wasaare Cumar C/rashid.

(Muqdisho,  May 17,  2010 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowlada kMG ah ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa daqiiqado ka hor kulan saxaafadeed uu ku qabtay gudaha Magaalada Muqdsho gaar ahaan aqalka madaxtooyada ee Villa Somaliya ayaa waxaa uu ku sheegay in uu kala diray xukuumadii uu horkacayay Raiisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in tani uu ku sababeynayo wax qabad la'aanta xukumaadii Raiisul wasaare Sharmaarke sida ugu dhaqsiyaha badana uu soo magacaabi doono Ra'iisal wasaare dhisa xukuumad wax qabad leh, hadalka madaxweyne Shariif waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalayto Xubnaha baarlamaanka somalia Xilkii ka Qaateen Gudoomiyihii baarlamaanka somalia Sheekh Aadan Maxamud Nuur Madoobe

Dawlada federaalka ayaa ku guuldaraysatay inay gacanta ku dhigto inta badan magaalada Muqdisho oo kaliya oo dagaalo xoogani u dhaxeeyaan kooxaha hubaysan ee ka dagaalamaya inta badan Koonfurta somalia, kana itaal roonaaday Dawlada madaxweyne shariif sh axmed .

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com