shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Khadadka talefoonada oo dib ugu soo laabtay Widh Widh dharkayn geeyo, iyo xaalada degmada Widh Widh oo Degan

(Widhwidh,  May 25,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta Hawada dib ugu soo laabatay Degmada Widh Widh khadadka taleefoonada degmadaasi oo maanta gabi ahaan dadwaynaha degmada Widh Widh Ceegaag.com taleefoonka degmadaasi kula Xidhiidhtay Isgaadhsiintuna haatan tahay mid Hawada caadi ugu soo laabatay si toos ahna Hawada ugashay.
 
 
 
Masuuliyiinta Shirkada Telesom gaar ahaan Faarax sugaal oo kamid ah Madaxda shirkada Isgaadhsiinta telesom kana soo jeeda gobolada SSC, ayaa saaka Ceegaag.com u sheegay in talefoonada shirkada isgaadhsiinta ee degmada Widh Widh ku timid Cilid maantana lagu Guulaysta in gabi ahaan Cilidaasi la Xaliyo haatana talefoonada Degmada Widh Widh yihiin kuwa shaqaynaya.
 
 
 
 
Faarax sugaal ayaa meesha ka saaray in talefoonada shirkada isgaadhsiinta ee degmooyinka Widh Widh dharkaygeeyo iyo deegaano badan loo jaray arimo siyaasadeed Waxana uu intaasi raaciyey in shirkada telesom ka madaxbanaan tahay waxii arimo siyaasadeed ah, una adeegayso guud ahaan bulshada soomaaliyeed.
 
 
Dhinaca kale Guud ahaan xaalada degmada Widh Widh ayaa maanta Caadi ah waxna dadkii degmadaasi ka barakacay ku sugan yihiin daafaha magaalada Widh Widh oo haatan roobab lixaad lahi halkaasi ku Heleen.
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com