shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Caaqil Xaaji Axmed Aadan Xaad oo Caawa Buuhoodle ku Geeriyooday

(Buuhoodle,  May 11,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa Caawa Magaalada Buuhoodle Ku Geeriyooday Caaqil Xaaji Axmed Aadan Xaad oo kamid ahaa Cuqaasha deegaanka Buuhoodle oo in mudo ah ku xanuunsanayey Magaalada Buuhoodle.
 
Marxuun Caaqi Xaaji Axmed aadan xaad ayaa aaskiisa Waxaa Caawa ka Qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka buuhoodle oo ugu horeeyaan Culumada Diinta buuhoodle Isimo Cuqaal iyo Dadwayne aad u farabadan oo aaska Caaqilka Caawa siwayn uga Qayb galay, tacsina u diraya dhamaan eheladii uu ka geeriyooday marxuun Caaqil Xaaji Axmed aadan Xaad.
 

Maamulka iyo Hawl wadeenada Ceegaag.com Waxay tacsi u dirayaa Eheladii qaraabadii iyo dhamaam umada soomaaliyeed oo Caawa ka geeriyooday Marxuu Caaqil Xaaji axmed aadan xaad oo kamid ahaa Cuqaasha deegaanka buuhoodle.
 
 
Waxaanu leenahay ALLE samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo ilaahayna janadii fardowska haka Waraabiyo AAMMIINN.
 

Cali dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com