shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun(Duqii Magaalada Buuhoodle oo Caawa Buuhoodle ku Geeriyooday

(Buuhoodle,  May 19,  2010 Ceegaag Online)

Ilaahay naxariistii Jano haka Waraabiyee Waxaa Caawa Magaalada Buuhoodle ku Geeriyooday Duqii magaalada  Buuhoodle ilaahay ha u naxariistee Xuseen Dacwi Ducaale oo Qadartii ilaahay Caawa ugu Geeriyooday magaalada buuhoodle.
 
Waxaana Caawa lagu Wadaa in Marxuun Xuseen Dacwi Ducaale lagu aaso xabaalaha magaalada Buuhoodle oo aaskiisa ay ka Qayb galayaan dhamaan bulshada kunool magaalada Buuhoodle oo iyagu Caawa si lixaad leh uga Qayb Qaatay Aska Marxuun Xuseen Dacwi ducaale.
 
 
Tacsi
 
Maamulka shabakada wararka Ceegaag.com wax uu tacsi gaadhsiinayaa Eheladii iyo Qaraabadii uu ka Geeriyooday marxuun xuseen dacwi ducaale gaar ahaana waxaa tacsidaasi diraya Cali Osman yuusuf(Calidhagjar ) iyo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Waxaana kaloo tacsi Caawa na soo gaadhsiiyey Gudoomiyaha degmada Ceegaag C/ Xaaji Cali Cilmi (Cabdi Riigle) iyo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa.

 
 Waxaanu leenahay ALLE samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo ilaahayna janadii fardowska haka Waraabiyo AAMMIIN Aamiin.
 
Ceegaag.com
Cali dhagjar
 
 


webmaster@ceegaag.com