shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hubkii laga Furtay Ciidamada itoobiya oo lagu wareejiyey, dhinaca itoobiyaankana barito lagu wado inay iyana soo wareejiyaan gaadiidkii iyo hubkii ay gacanta kuhayaan

(Buuhoodle,  May 25,  2010 Ceegaag Online)


Iyadoo saaka subaximadii loo balansanaa in Ciidamada itoobiya ee ku sugan dhinaca buuhoodle ee itoobiya lagu wareejiyo Hubkii laga furtay oo balan Qaadeen inay hubkaasi waxgaradka buuhoodle sida ugu dhakhsaha badan ku keenayo, ayaa dhinaca kale Waxaa Caawa goor hore lagu wareejiyey Ciidama itoobiya 8 Qori oo kamid ah Hubkii laga furtay ciidamadii shacabka ku xasuuqay gudaha magaalada buuhoodle.
 
 
Ciidamada itoobiyaanka waxaa galabta goor gaaban Hubkaasi ku wareejiyey Waftigii ka socda dhinaca puntland oo iyagu saacadihii ugu danbeeyey Wadahalo kula lahaa dhinaca itoobiya ee buuhoodla saraakiisha Ciiamada itoobiyaanka, Waxana waftigaasi ku Guulayteen inay hubkaasi ka soo aruuriyaan dadkii shacabka ahaa ee iyagu markii hore gacanta ku dhigay.
 
 
Maalinta barito ah hadii ilaahay Idmo ayaa lagu Wadaa in Ciidamada itoobiyaanku dhinacooda soo Wareejiyaan Gaadiidkii faraha badnaa ee mudo gacanta ugu jiray, iyo Qaarkamid ah hubkii ay dhinacooda gacanta ku dhigeen, xaalada ayaana iminka u muuqata mid aad u Wanaagsan Waxana Wadahadaladu ay marayaan halkii ugu wanaagsanayd.
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
Email calidhagjar@hotmail.com


 

webmaster@ceegaag.com