shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiye kuxigeenka Ururka Sahan International oo Maanta MCH loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka ka furay buuhoodle

(Buuhoodle,  May 17,  2010 Ceegaag Online)

Waxa Saaka Xaflad balaadhan oo siwayn loo soo agaasimay lagu Qabtay magaalada buuhoodle gaar ahaan Xarunta Cusub ee loogu tala galay MCHka oo magaalada buuhoodle laga hirgaliyey maanta oo xadhiga uu ka jaray Gudoomiyey Kuxigeenka Ururka Sahan international oo Xafiiskiisu yahay Wadanka Finland.

Ugu horayn Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xafiiska Guud ee Ururka Sahan ee buuhoodle Maxamed Ismail Gurux oo isagu halkaasi maanta sharaxaad dheer ka bixiyey Waxyaahaba ururka sahan ka fuliyey Guud ahaan gobolada ssc, gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada Caafimaadka Nabad galiyada isagoo sheegay in ururka sahan uu wax wayn ka Qabtay deegaanka buuhoodle sida Waxbarashada isagoo ururku ka hirgaliyey deegaanka buuhoodle waxbarasho bilaash ah sida deegaanada Xamar lagu Xidh,  Widh Widh,  buuhoodle kana furay waxbarasho bilaasha ah, haatana ka furay magaalada buuhoodle Xarun MCH ah oo loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka deegaanka buuhoodle inay ka faaiidaystaan.

Sidoo kale Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Ururka sahan ee fadhigiisu yahay Wadanka Finland Cali Maxamuud oo sheegay inuu maanta aad ugu faraxsan yahay furitaanka Xarunta MCH ee hooyada iyo dhalaanka ee Ururka sahan ka hirgaliyey deegaanka buuhoodle Waxna uu intaasi Raaciyey inay sii Wada doonaan horumarka ay ka fulinayaa deegaanada ssc oo dhan.

Dhinaca kale Waxaa halkaasi ka hadlay Cuqaasha Qaarkamid ah, Qurba jooga oo iyagu xafladaasi maanta lagu Casuumay sheegayna inay aad ugu faraxsan yihiin Furintaanka Xarunta MCHka ee hooyada iyo dhalaanka ee maanta deegaanka laga furay looguna tala galay inay ka faadiidaystaan bulshada deegaanka gaar ahaan hooyooyinka iyo Caruurta.

Cali Dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com