shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston siiba Haweenka oo siwada jir ah qado sharaf ugu soo dhaweeyay gudi dhaqaale u ururin ugu jira yagleelida xarumaha tacliinta sare ee Soomaaliya, Siiba Jaamacada Gedo.

(Boston,  May 29,  2010 Ceegaag Online)

Uruka aan macaashka ku dhisnayn ee SDF oo u turjunsan Aas Aaska Dhismaha hurunmarineed ee Soomaaliya (Somali Development Foundation) gudi matalaya iyo wiil uu dhalay Madaxwaynihii ugu danbeeyay ee ay yeelata Soomaaliya waa Alle naxariistii jano ha ka waraabiyee Maxmed Siyaad Bare, Ayaanle maxamed Siyaad oo isagu ah marti sharaf dhiirigalinaya mashruuca dhaqaale u ururin yagleelida xarumaha tacliinta sare ee Soomaaliya.

Dhamaan Haweenka Soomaaliyeed  ee reer Boston ayaa si wada jir ah maanta ku soo dhaweeyay marti sharaftan kala ah

  1. Ayaanle Maxamed Siyaad Bare

  2. Pro: Warsame Xasan Cali

  3. Suldaan Cali Guuleed

  4. Cusmaan Maxamed Ciise

  5. Cumar Sanwayne

  6. Cabdulaahi Cigaal

  7. Cabdirisaq Xasan

Oo Magaalada Boston u yimid dhaqaale ururin ay doonayaan inay Jaamacad Kaga dhisaan Magaalada Gedo, Soomaaliya.

Iyada oo loo balansanyahay maalinta barito ah in laysugu yimaado qolka Shirarka ee Masjid Jaamaca Magaalada Boston saacadaha sadexda galabnimo ilaa todobada fiidnimo.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston iyo nawaaxigeeda ayaa ah kuwo ku caanbaxay u hiilinta dadka doonaya inay wax uun ka badalaan xaalada qalafsan ee ku habsatay wadankeenii Hooyo Soomaaliya.

Martisharafta manta lagu casuumay Rugta  Refugee Immigrant Assistance Center (RIAC)ayaa waxaa u hadlay Pro: Warsame Xasan Cali hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa  Dhagayso

Sidoo kale Albaaka hore ayaa Ceegaag kula hadashay Cabdulaahi Cigaal oo uruka SDF u qaabilsan xaga xiriirka dadwaynaha waxa uu yidhi   Dhagayso.

Ugu danbayn jaaliyada reer Boston ayaa la dhawrayaa wacdaraha iyo taageerada ay u muujiyaan dadkan u tafaxaytay wax ka qabashashada Jahliga hadheeyay dalkeena Hooyo Soomaaliya.

Daawo Sawirada Xaflada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com