shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gaadhi ay leeyihiin Komishinka doorashooyinka Somaliland oo badhan lagu dhacay, iyo wafti uu hogaaminayo Siyaasiga Gaboose oo Laascaanood gaadhay

(Laascaanood,  May 12,  2010 Ceegaag Online)

Wararka hada naga soo gaadhay Magaalada Badhan ee Xarunta gobolkaasi Sanaag ayaa maanta galinkii danbe ku soo Waramaya in Ciidama Amaanka ee dhinaca maamulka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen Gaadhi ay leeyihiin gudiga doorashooyinka Somaliland oo iyagu gaadhay magaalada Badhan deegaano hoos yimaada.
 
Warkani ayaa Ceegaag.com ka Heshay Wariyaal Madaxbanaan oo magaalada Badhan ku sugan oo sheegay in gaadhigaasi isla lahaayeen gudiga komishinka doorashooyinka somaliland, ayna iminka gacanta ku hayaan Ciimada amaanka magaalada badhan.
 
Mudooyinkan Waxaa Magaalada Ceerigaabo iyo deegaano badan oo hoos yimaada ku sugnaa masuuliyiin ka socota Xisbiyada Mucaaradka somaliland oo iyagu ka bilaamay ololaha doorashada magaalada Ceerigaabo iyo Deegaano badan oo hoos yimaada.
 
Dhinaca kale Waxaa Maanta magaalada laascaanood Gaadhay Wafti balaadhan oo hogaaminayo siyaasiga Dr Maxamed Cabdi( Gaboose) oo katirsan Xisbiga Mucaaradka Somaliland, waftigaasi ayaa maanta markii magaalada laascaanood ay gaadheen kulamo la Qaatay masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiyey ee iyagu laascaanood ku sugan.
 
Guud ahaanba dhaq dhaqaaqyada doorashada Somaliland ayaa siwayn looga dareemayaa xiligani gobolada maamulka somaliland uu gacanta ku hayo, dhinaca kale dadka Reer laascaanood ayaa iswaydiinaya doorashadani sida looga codaytoono magaalada laascaanood xili dad farabadan oo maxaabiis ahi ku Xidhan yihiin Xabsiyada maamulka somaliland.
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com