shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beenin war ku soo baxay shabakada SOMALIFANS

May 25, 2010.

 (Beeni raad ma leh)

(Ceegaag,  May 26,  2010 Ceegaag Online)

Shabakadda wararka ee Ceegaag. Com waxaa soo gaadhay qoraal ay soo saareen waxgaradka iyo dadwaynaha ku nool degmada Ceegaag Soomaaliya. Qoraalkan ayaa u qornaa sedan hoos ku qoran:

Annagoo ah dadwaynaha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Ceegaag waxaan u sheegaynaa in warka lagu qoray shabakadaha kor ku xusan ee lagu sheegay in jabhadda ONLF ay fadhiisin ka dhigatay degmada Ceegaag oo hilaadda 50KM dhinaca waqooyi kaga began magaalada Buuhoodle . Waxaa kaloo warkaas lagu sheegay in Ceegaag ay ku soo dhaweeyeen jabhadda ONLF odayaasha degaankaasi.

Warka been-abuurka ah ayaa u qornaa sedan:

‘Buuhoodle, Somaliland  – Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa cabsi xoog leh laga qaba inay Noqoto Xurunta Jabhada ONLF kaga duusho dowladda federaalka Ethiopia, Walaacan ayaa yimid kadib markii la sheegay in Tuulo u dhow Buuhoodle oo lagu magcaabo Ceegaag aay soo degeen Ciidamo ka tirsan ONLF kuwas oo Odayaasha degaanku halka ku Marti qaadeen

Jabhada ONLF ayaa iyada oo ka Faa’iideysan Xurgufta soo kala dhexgaashay Beesha degaanada Iyo Ethiopia waxay Durba Bilowday inay halka ka sameysato Xurumo ciidan kuwas oo aay weerar uga qaado Dowladda Ethiopia oo iyada ay Halgan aadag Kula jirtay In muddo ah

Somaliland ayaa la aqoon talaabada aay ka qaadi doonto arrintan, madama Dhulkeeda loo Isticmaalayo la dagaalanka Dowladda Aay Deriska iyo Saaxiibnimada Fogi ka dhexeyso ee Ethiopia’

 Xigasho Somalifans

Haddaba, annagoo ku hadlayna magaca dadwaynaha degmada Ceegaag waxaannu u sheegaynnaa dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel in warkaasi aanu ahyn mid sal iyo raad toona leh ayna qoreen dad ay dilootay nacaybka dadwaynaha deggan degmadaas oo iyagu ku can ah ah nabadjacaylka  iyo deriswanaagga dadwaynaha Soomaaliyeed ee ay degaan, dhalasho, dhaqan iyo dhiigba wadaagaan. Waxaa wax garadka iyo dadwaynaha ku dhaqan degmada Ceegaag uga fadhiyaan mulkiilayaasha shabakadaha

Somalifans Waxaa Iska leh

Saciid Barre

 

(afisoone@yahoo.com)

Tel.  763-208-6712

6355 zane ave #103 brooklyn park

brooklyn park, Minnesota, 55429 USA

 in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo bandhigaan meelaha iyo cidda  ay ka keeneen wararkan been-abuurka ah ee lagu khalkhalgalinayo nabadda iyo horumarka ka jira degmadaasi Ceegaag. “waxaa wax lala yaabo ah in Mashaqadii dhexmartay dadwaynaha ku nool degmada Buuhoodle iyo ciidamada Itoobiya lala xidhiidhiyo degmada Ceegaag oo ka mid ah  dalka Soomaaliya isla markaana xuduudda Itoobiya u jirta illaa 50KM.

Ugu danbayn waxaan jawaab deg deg ah ka sugaynnaa mulkiilayaasha shabakaddahan kor ku qoran ka hor inta aan dadwaynaha degmadaasi qaadin tallaabo sharciga waafaqsan oo ka dhan ah mulkiilahaas oo ku nool dalalka  Maraykanka sida ku cad baadhitaan ay sameeyeen qurbajoogta iyo waxgaradka ku nool dibadda 24 saacadood ee ugu danbeeyay.

 

Ugu danbayn, waxaa dadwaynaha degmada Ceegaag mahadnaq ballaadhan u soo jeedinaysaa shabakadda wararka ee Ceegaag.com oo had iyo goor tabisa wararka xaqiiqada ah ee ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya iyo dunida daafaheeda, isla markaana si gaar ah u baahisa wararka ku saabsan horumarka iyo nabadgalyada ka jira degmada Ceegaag iyo degaannada ku xeersan.

Mahadsanidiin,

Waxgaradka degmada Ceegaag.

Waxaa qoraalkan xafiiska wararka ee shabakadda ceegaag ee buuhoodle soo gaadhsiiyay Waxgaradka Degmada Ceegaag.

 

webmaster@ceegaag.com