shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal Khasaare nafeed gaystay oo ka dhacay Buuhoodle.

(Buuhoodle,  May 21,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa maanta duhurnimadii buuhoodle ka dhacay  dagaal u dhaxeeya ciidamada Itoobiyaanka ah ee baryahanba ku sugnaa magaalada Buuhoodle iyo ciidan-beeleed iyaguna baryahan ku urursanaa magaalada buuhoodle oo ah dadka u dashay deegaankan.
 
Inta illaa hadda la tiriyay ee la soo qaaday ama dhaawaca ugu dhintay cusbitaallada magaalada Buuhoodle ayaa ah illaa 10 ruux oo dadka deegaanka ah ,iyo 5 askari oo ethiopian ah . waxaa kaloo la sheegay in labada dhinacba ay kala qabsadeen maxaabiis inkastoo aanay caddayn maxaabiista la sheegay in lakala qabsaday. Dhaawaca ayaa isna jira gaadhaya illaa 17 qof oo ah dadka degaanka u dhashay.
 
Waxaa magaalada ka barakacay dadkii ku noolaa intoodii badnayd iyagoo u qaxay dhinaca waqooyiga sida magaalooyinka Sooljoogto, Hurufadhi, Ceegaag iyo dhilaalo.
 
Dhinaca kale ciidan aad u ballaadhan ayaa ku soo wajahan magaalada Buuhoodle oo ka soo kicitimay gobollada ismaamulka Soomaalida ee Bookh, Wardheer iyo Dannood iyadoo wararku sheegayaan in ay guutadii ugu horraysay soo gaadhay magaalada Boqonka oo hilaadda 7 kiiloomitir dhinaca koonfurta kaga began buuhoodle.

Dhinaca kale, Ciidamo Soomaaliland ah oo ay horkacayaan saraakiil iyo wasiirro ka tirsan Soomaaliland oo u dhashay degaanka Buuhoodle ayaa ku soo fool leh magaalada iyagoo horay saaka waabarigii u soo qabsaday magaalada Widh Widh.
 
Wax waan waan iyo wadahadal ah  ayaan hadda meelna ka socon, iyadoo toddobaadkan shiarar badan oo ay galeen waxgaradka deegaanka buuhoodle lana doonayay in lagaga hortago dhibaatadan maanta ka dhacday Buuhoodle lagu fashilmay laguna kala dareeray.

Dhinaca kale ciidan-beeleedkii baryahan ku sugnaa Buuhoodle ee bilihii la soo dhaafay ku sugnaa degaanka Dharkayn Geenyo ayaa dagaalka Buuhoodle intaanu qarxin u ruqaansaday degaannada Dhoobo Guduud iyo Dogoblle iyagoo halkaa kaga biiray ciidan-beeleed  ku wajahnaa degmada Widh Widh oo ay saaka qabsadeen ciidamada Soomaaliland.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha shaqaaqadan, kala soco websiteka Ceegaag.com  

webmaster@ceegaag.com