shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dadkii ka barakacay dagaalkii ka dhacay Buuhoodle oo dib buuhoodle ugu soo laabtay iyo goobaha ganacsiga iyo shirkadaha xawaaladaha oo dib loo furay

(Buuhoodle,  May 25,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo todobaadkani gudihiisa magaalada Buuhoodle dagaal Qadhaadh oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu magaalada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada itoobiya iyo shacabka magaalada Buuhoodle, ayaa dagaalkaasi waxaa uu sababay in dad farabadani ka baxaan guud ahaan gobolka Cayn iyo Deegaanada hoos yimaada oo iyagu ka cararay dagaalada.
 
 
 
Hadaba dadkaasi ayaa Guud ahaatood Maanta magaalada Buuhoodle dib ugu soo laabtay kadib markii Wadahadalo dhexmareen Waxgaradka buuhoodle iyo saraakiisha Ciidamada itoobiya ee iyagu haatan buuhoodle ku sugan oo waxgaradka buuhoodle u sheegay in dadkii ka barakacay magaalada dib ugu soo laabtaan sida ugu dhakhsaha badan.
 
 
 
Dadkaasi oo u farabadnaa Caruur dumar iyo dad Jilicsan ayaa maanta buuhoodle dib ugu soo laabtay oo iyagu horay magaalada uga baxay banaankeeda oo roobab lixaad lahi ku heleen daafaha magaalada lana kulmay barakac xoogan iyo dhibaatooyin dadkaasi dagaalka ka cararay soo maray.
 
 
 
Dhinaca kale Waxa dib loo furay guud ahaan goobaha ganacsiga iyo xawaalada Waxana laga dareemayaa guud ahaan deegaanka deganaansho buuxda oo haatan gobolka laga wada dareemayo waxana xaaladu tahay mid nabad ah, halka Ciidamada itoobiyaanka ahina ku sugan yihiin Xaafado suweeto oo ay u joogaan Qaab Nabadeed.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com