shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Culuamada Diinta ee deegaanka Buuhoodle oo Wadahadlo ka bilaamay Degmada Widh Widh

(Widhwidh,  May 29,  2010 Ceegaag Online)

Waxa magaalada buuhoodle ka anba baxay Wafti balaadhan oo ka kooban Culumada diinta buuhoodle iyo waxgaradka deegaanka buuhoodle oo iyagu gaadhay degmada Widh Widh oo katirsan deegaanka buuhoodle waxna degmadaasi kulamo kula yeesheen Qaarkamid ah Waxgaradka degmada Widh Widh iyo dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay deegaankaasi Widh Widh.
 
Safarka Culumada waxgaradka buuhoodle ayaa timid kadib markii dhawaan Ciidamada somaliland dhawaan weerar ku soo Qaateen degmadaasi Widh Widh iyagoo halkaasi dagaal xoogan oo sababay dhimasho iyo dhawaac uu ku dhexemaray Ciidamada SSC iyo kuwa somaliland, Culumada diinta ee deegaanka buuhoodle ayaana haatan bilaabay Wadahalo toos ah oo ay la yeeshaan dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Widh Widh.
 
Qaarkamid ah Culumada diina ee buuhoodle oo Ceegaag.com u Waramaya ayaa u sheegay inay safarkoodu ka danbaysay kadib markii ay ka War heleen in Xiisad dagaal kataagan tahay deegaankaasi haatana Wadaan kulamo lagu doonayo in lagu dajiyo Xiisada iyo Colaada.
 
talaabadan ay Qaadeen Culumada diinta ee buuhoodle ee lagu doonayo in lagu dajiyo Xiisada iyo Colaada ayaa waxaa siwayn u soo dhaweeyey Qaybaha kala duwan ee bulshada jecel nabada oo sheegay inay talaabadani tahay mid loo baahnaa, ay Qaateen Culumada diinta ee deegaanka buuhoodle.
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Email calidhagjar@hotmail.com
 

webmaster@ceegaag.com