shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Howl galo Maalintii 3 Xaad ka wada deegaanka Buuhoodle Qab Qabtayna dhamaan Gaadiidkii Deegaanka

(Buuhoodle,  May 16,  2010 Ceegaag Online)

Waxa maalintii saddexaad magaalada Buuhoodle ku sugan Ciidamo Itoobia iyo Soomaali isugu jira oo ka wada Guud ahaan Deegaanka howl galo lagu lagu Qab Qabanayo guud ahaan Gaadiidka soo galay magaalada Buuhoodle iyo kuwa uga baxaya gudaha Itoobia oo howl galkaasi ka Wadaan deegaanka Ciidamada itoobia.
 
Ku Dhawaad 30 Gaadhi oo laga leeyahay Buuhoodle iyo Hawdka sare ayaa maalintii saddexaad ku Xidhan Xero kutaala dhinaca itoobiya ee magaalada Buuhoodle oo Gaadiidkaasi lagu xareeyey, Gaadiidkaasi oo isugu jira kuwo yar yar iyo Waa Waynba ah oo laga leeyahay deegaanka Buuhoodle.
 
Lama oga sababaha Keenay in Ciidamada Itoobiya Howl galkani ka fuliyaan deegaanka Buuhoodle oo haatan ay ku soo Qab Qabteen dhamaan Gaadiidkii laga lahaa deegaanka Buuhoodle oo iyagu ku xayiran magaalada Buuhoodle, Waxna soo baxaya Cabashooyi ka soo Yeedhaya Wadayaasha Gaadiidka iyo dadkii rakaabka ahaa ee iyagu Gaadiidkaasi la socday oo Wali dhinaca itoobiya ee Buuhoodle ku xayiran.
 
Ceegaag.com
News

webmaster@ceegaag.com