shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Somaliland oo iyagu Xalay ka soo Duulay taliska Ciidanka Somaliland ee oog iyo Laascaanood gaadhayna deegaano ssc katirsan(Warbixin kooban iyo meelaha ay gaadheen)

(Laascaanood,  May 15,  2010 Ceegaag Online)

Taliska Ciidanka somaliland ee Magaalada OOG ayaa habeenimadii Xalayto ka soo baxay labo guuto oo katirsan Ciidama maamulka somaliland ee iyagu ku kala sugnaa magaalada Laascaanood iyo Deegaanka oog oo fadhiisin u ah Ciidamada Maamulka somaliland.
 
Ciidamadaasi ayaa kadib markii ay ka soo baxeen saldhigyadaasi ayaa Waxay u kala jahaysteen,Dhinaca magaalada kala baydh oo iyagu 30km kaga Beegan magaalada laascaanood oo deegaankaasi ay u baxeen Ciidamo farabadan oo ku hubaysan Gawaadhida dagaalka iyo Ciidamo aad u farabadan.
 

Ciidamadaasi ayaana Saaka gaadhay Hiirtii Waabari magaalada kala Baydh oo hada ay ku sugan yihiin kana degeen dhinaca Waqooyiga Ciidamaasi, Waxna warar lagu kalsoon yahay oo Ceegaag.com ka Heshay magaalada kalabaydh sheegayaan in Ciidamaasi ku wajahan Yihiin magaalada dharkayn Geeyo oo iminka ay ku sugan Yihiin Ciidamo SSC.
 

Guutada Labaad ee Ciidankaasi ayaa saaka Yimid magaalooyinka Widh Widh balihadhac, iyo magaalada dhabansaar oo Ciidamaasi maanta lagu soo Waramayo inay ku sugan Yihiin, iyagoo Wata gaadiidka dagaalka oo aad u farabadan iyo Ciidan lixaad leh oo deegaanadaasi soo gaadhay.
 

Lama oga sabaha Keenay Imaanshiiyaha Ciidama somaliland ee Wakhtigan deegaanada SSC Waxna shacabka degmooyinka iyo tuulooyinkaasi oo Ceegaag.com u Waramay sheegeen inay iska difaacayaan Ciidama somaliland ee iyagu hada soo gaadhay deegaano Hor leh, Waxay ahayd 15 0ctobar ee 2007 kadib Markii Ciidama somaliland si Buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada laascaanood kadib dagaal dhexmaray iyaga iyo Maamulka puntland oo Xiligaasi Madaxwayne ka ahaa Cadde Muuse oo laga Qabsaday Laascaanood.
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com