shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Booraan Hadimo ha qodin hadii aad qodidina ha dheereen! Ururka Al-shabaab oo lagu weeraray tabaha weeraradooda

(Muqdisho,  May 01,  2010 Ceegaag Online)

Qarax laga hagayay bar gaar ah ayaa lala beegsaday masjid ku yaala magaalada Muqdisho qaraxan ayaa ahaa mid loogu talo galay in lagaga takhaluso Fu'aad Maxamed Khalaf (Shangole).

Afhayeenka Al-shabaab Cali dheere ayaa ku eedeeyay  weerarkan lagu soo qaaday maanta ay ka danbeeyaan dad aan u dhalan Soomaaliya oo ka yimid dalka Itoobiya iyo wadamada Qarbiga.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay dad tiradoodu gaadhaso 22 qof halka ilaahada tiradan oo aan ka helnay isku dadarka maydadka yaala Isbataalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmeen dad tiradoodu aan la ogayn.

Waxaa la xaqiijiyay in Fu'aad Qudbad ka jeedinyay masaajidka markii weerarka lagu fuliyay, ilaahada lama oga cida dhabta ah ee fulisay weerarkan waxashnimada ah ee lagu xasuuqay dadka rayidka ah ee reer Muqdisho, oo ah kuwo dhiigooda layska daadinayo hadh iyo habeen.

webmaster@ceegaag.com