shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir ku saabsan Arrimaha Deegaanka oo lagu soo Afmeeray Degmada Awrboogays.

(Awrboogays,  May 25,  2010 Ceegaag Online)



Shirkan ayaa looga gol lahaa sidii Odayaasha deegaanka iyo waxgaradku ay go'aan uga qaadan lahaayeen Dhuxusha laga jaro Gobolada Sool iyo Sanaag, Madax dhaqameedki shirka ka soo qaybgalay ayaa is waydaarsanayay doodo adag labadi asbuuc ee shirku ka socday degmada Awrboogays ee gobolka Sool.

Nabadoon Xidig Cabdi Ismaaciil oo ku sugan Awrboogays ayaa ii sheegay in madax dhaqameedka shirka ka soo qaybgalay isaga kala yimaadeen Deegaanada, Sarmaanyo,Xudun,Fiqifuliye,Ardaa,Booda cadde,Kulaal,Damalaxagare iyo Xabaala camare.

Xidig ayaa tilmaamay in shirkan socday muddo labo asbuuc ah, isagoo tilmaamay in odayaashu iskood isu maalgeliyeen iyagoo doonaya inay ka tashadaan aayaha deegaankooda iyo duunyadooda, waxaa xusid mudan in shirka lagaga dhawaaqay Guddiga Dhuxul joojinta Gobolada Sool iyo Sanaag.

1-Maxamed Cismaan Cagabaruur=Gudoomiye
2-Maxamed Ciise Sugulle
3-Shiikh Jaamac Aadan Axmed
4-Shiikh C/laahi Nuur Maxamed
5-Cabdi Maxamed Jaamac
6-Keyse Axmed Dhaale
7-Maxamuud Axmed Batar
8-C/laahi Maxamed Ismaaciil Xidig

Qodobada Heshiiski Awrboogays:

1-Gaarigi lagu qabto isagoo dhuxul guraya in loo aqoonsado inuu sido Kootarabaan
2-Qofkii lagu qabto isagoo dhir jaraya waxaa laga gubaya dhirta waxaana la ciqaabaya
3-Inaan la taakulayn dadka dhuxusha shida, cidii gacan siisana sharciga la hor keenayo.
Qodobadan ayaa waxaa saxiixay Madax dhaqameedka hoos ku qoran:

1-Garaad C/laahi Maxamed Guuleed
2-Caaqil siciid Guray Daad
3-Caaqil Maxamed Faarax Ciid
4-Caaqil Maxamuud Maxamed Xasan
 
Waraysigi Garaad C/laahi Maxamed Guuleed:
 
Khadka Tellka ee magaalada Awrboogays ayaan kula xiriiray Garaad C/laahi Maxamed Guuleed, waxaana aan ka waraystay shirki ay ku qabteen Degmada Awrboogays:
 
Su'aal:Muxuu ku saabsana shirkan aad ku qabateen magaalada Awrboogays muxuuse ujeedkiisu ahaa?.
Garaadka:Shirkan wuxuu ku saabsana inaan arrimaha deegaanka wax ka qabano, oo dhibaatooyin badan ka yimaadeen, taasi oo ay dhuxushu ugu horayso, inkastoo dhawrjeer oo hore la isku dayay in la joojiyo dhuxusha hadana waa noo suurto gali wayday,hadase bulshadi ayaa dareentay taasina waa sababta aan u qabanay shirkan.
 
Su'aal:Garaad yaa ka soo qaybgalay shirkan looga hadlayay arrimaha deegaanka?.
Garaadka:Shirkan waxaa ka soo qaybgalay ilaa sideed magaalo,oo ay ka mid yihiin Sarmaanyo,Xudun,Fiqifuliye,Ardaa,Booda cadde,Kulaal,Damalaxagare iyo Xabaala camare,anagoo tixgelinayna meelaha laga jaro dhuxusha xoogeeda.
 
Su'aal:Maxaa idinku dhaliyay inaad qabataan shirkaan hadaad tihiin odayaasha gobolada Sool iyo Sanaag?.
Garaadka:Waxaa nagu dhaliyay,hade waad aragtaa dhirtii baa gumaad lagu sameeyay, dhirtii geed baa la dhaafi jiray,kuwii qalalnaa markii la waayay kuwii qoyana baa la jaray waxaana gurtay xitaa kuwii cawska ahaa, waxaan isla gaarnay in talaabooyin muhiim ah laga qaado cidii isku dayda xaalufinta deegaanka.
 
Su'aal:Maxay kuula muuqata inay natiijo ahaan ka soo bixi karto shirkan aad soo gabagebeysen?.
Garaadka:Runtii yididiilo wayn ayaanu ka qabnaa in shirkaan uu noqdo mid midhihiisa lagu faa'iido, waxaanu is leenahay door wayn bay go'aamadayadu ka ciyaari karaan daryeelka deegaanka iyo duunyadaba.



Abdirashid Maxamed Daahir
lacle1004@hotmail.com
 

webmaster@ceegaag.com