shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha jaamaca Nugaal university oo kulan la qaatay ardayda wax ka barata Jaamacada Minnesota

(Minnesota,  May 16,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University Pro C/risaaq Lafoole oo beryahanba booqasho ku joogay dalka Maraykanka ayaa kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacada Minisito iyo weliba ururka ardayda STAND,isagoo siiyey warbixin ku saabsan hawlaha jaamacada Laascaanood.

 

Gudoomiye Lafoole ayaa ku booriyey ardayda soomaaliyeed inay dhulkoodii tagaan oo dadkoodii la qaybsandaan aqoontooda,isla markaana ay si gaar ah u taageeraan jaamacadaha iyo goobaha waxbarashada.

Kulankan oo ahaa kulan horudhac ah ayaa waxa shir weyn la qaban doonaa maalinta sabtiga soo socota,iyadoo ay ka soo qayb geli doonaan dhamaan waxgaradka iyo shacabka ku dhaqan Minniapolis iyo gobolada ku xeeran.

Pro Lafoole ayaa ka mid ah dadka u dhabar adaygay inay aqoontooda la qaybsadaan dadkoodii,iyagoo ugu danbayntii dhidibada u taagay jaamcada Nugaal University oo ay dhigtaan boqolaal arday ah.

www.ceegaag.com

 USA

webmaster@ceegaag.com