shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

46 Saacadoo oo Roobab Xidhiidh ahi ka da'ayaan gobolada iyo degmooyinka SSC, oo deegaanada Qaarkood ka Gaystay fatahaado

(Buuhoodle,  May 09,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo Guud ahaanba Curashada raxmaadka guga ee sanadka siwayn uga Curtay guud ahaanba gobolada Soomaalidu dagto, ayaa misena roobab lixaad lehi waxay siwayn uga da'ayaan Guud ahaaba gobolada SSC, roobabkaasi oo ah kuwii ugu faraha badnaa ee ka curta goboladaasi inta la xasuusan yahay.
 
Roobab saacado badan da'ayey ayaa siway uga da'aya guud ahaaba Gobolada SSC Roobabkaasi oo degmooyinka tuulooyinka iyo goobkastaba oo dadka iyo Duunyaduba kunool yihiin siwayn uga da'aya 46 saacadood oo Xidhiidh ah.
 
Meelaha Roobabka ugu xoogan badan ay heleen ayaa Waxaa kamid ah Degmooyinka Horufadhi, Ceegaag, Widh Widh, Buuhoodle iyo Laascaanood oo laga soo sheegayo in magaalooyinkaasi roobabkaasi gudaha u galeen goobaha lagu Kaydiyo Cuntada iyo bakhaarada raashinka la dhigo.
 
Degmooyinka Horufadhi iyo Widh Widh oo baliyada labadaasi degmo ku dhow yihiin xaafadaha magaalooyinkaasi ayaa baliyadaasi ku soo fataheen Xaafadaha magaalooyinkaasi oo gabi ahaanba gudaha u galay xaafadaha iyo goobaha kale ee labaasi degmo.
 
 
Dhinaca kale guud ahaanba Howdka Sare ayaa laga soo sheegayaa roobab Lixaad leh oo ku hooray mandaqadaasi Howdka Waxaana kamid ah goobaha roobab mahiigaan ka ahi heleen.
 
Qararo yar
Qararo laasalay
Heegaale
Sarawayne
Xirsimacaf
biladayey
farhareeri
Laandheer
bicidaale
toorwareen
 
Guud ahaanba degmooyinka tuulooyinka iyo deegaanada SSC oo dhan ayaa wali Waxaa ka da'aya roobabkii ugu Xooga badnaa oo Xidhiidh ah oo dadka iyo duunyaduba aad ugu Diirsadeen, Waana roobabkii ugu faraha badnaa ee kada'a goboladaasi
 
 
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com