shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

XAFLADII QALIN-JEBINTA ARDAYDA MAAKHIR EE DALKA HINDIYA IYO WACDARIHII HABEENKAASI [+SAWIRO]

 (Hyderabad, India. June 30,  2010 Ceegaag Online)

Xafladan ayaa si wanaagsan loo soo agaasimay taasoo ahayd xafladii ugu horeysay ee ay qabsadaan ardayda  Reer Maakhir  ee wax ka barta dalka India ayaa waxay ka dhacday magalada Hyderabad ee dalka India.

Xafladan Qalin jebinta Ardayda Reer Maakhir Ayaa waxaa barbar socday Xaflad kale oo iyana lagu xusayey 26-ka June oo ah maalinta Gobolada Waqooyi laga taagay calanka soomaaliya oo ay ka soo wareegtay 50 sano maalintaas oo Gobolada Waqooyi ee dalka soomaaliya ay ka bexeen gumaysigii Ingriiska sanadkii 1960.

Waxayna Ahayd Xafladani mid  kulmisay dhamaan  shacab weynaha soomaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Hydabad iyo  Dalada Ardayda Ajaanibta ah , Maadaama La Xusaayey Maalintii 26-ka June oo ah Maalintii dhul soomaaliyeed laga taago calan xor ah.
 

Waxaana xafladan soo agaasimay URURKA ARDAYDA REER MAAKHIR ee Magalada Hyderabad. Xafladan oo ahayd xaflad aad u heersaraysay ayaa waxaa xusid mudan in ay ka ka Qalin jabinyeen Arday kor u dhaafaysa 30 oo isugu jira Rag iyo Dumar ,  Taasoo ah tiradii ugu badnayd ee ka qalin jabisa jamacadaha India inta taariikhda lagu xasuusto. Iyo arday-da aan qalin jabin ee kaso qeyb gashay xafladan oo tiradoodu kor udhafayay 200 arday oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka India.
 

  

Xafladan waxa kasoo qeyb galay marti sharaf magac iyo samcad kuleh dalka India, marti sharaftan ayaa waxay ka jeediyeen xaflada hadalo ku beeray arday-da reer Maakhir qiiro kuwaas oo dhamaantood ku boorinayay ardayda inay horumariyan dalkooda marti sharafta ayaa waxay kala ahaayeen, maamulayaasha labada jaamacadood ee ay soomaalidu u badan tahay kuwaas oo kala ah  (Osmania University iyo JNTU)  halkaasna ka jeediyey hadalo  isugu jira waano iyo dardaaran,.

Eng. Axmed Naaji oo ahaa xadhiidhyaha xafladaas  qaybta English-ka ayaa hadal furitan ah oo isugu jiray gabayo, Qisooyin ku saabsan waxbarashada  halkaas ka soo jeediyey isagoo guubaabo iyo dardaaranba ugu daray Dhamaan ardaydii ka qalin jabisay jaamacadaha iyo kuwii kale ee xafladaasi ka soo qaybgalay.


Eng. Maxamed Cali Salaad (Ilkajiir) ayaa isna  daadihinaayey  xafladda qalin jabinta sidoo kalena ereyo baraarujin ah u soo jeediyey ardaydii qalin-jebinaysey  kulana dardaarmay in ay dadkooda iyo dalkoodaba wax u qabtaan.
              

      


 

Waxaa furay  xaflada Gudoomiyaha Arday reer Maakhir Siciid Cabdi Cabdale oo ka hadlay muhiimada waxbarashada  kuna booriyey ardayda qalin jebisey in ay sii wadaan dadaalkooda, sidoo kalena ka hadlay xuska 26-june  , Sidoo kale waxaa ka hadlay Cumar Badmaax oo ah Gudoomiye ku xigeenka Ardayda  reer Maakhir oo isna halkaas ka soo jeediyey hadal aad loola khushucay.

Waxaa xaflada lagu soo bandhigay film gaaban oo laga dheehanayey muuqaalada magalooyinka Maakhir oo uu soo diyaariyey Isxal, sidoo kale waxaa xaflada buraanbur ka akhriday Hibaaq, buraanburkaas oo ahaa mid aad loola dhacay kana hadlaaye Maakhir iyo weliba muhiimada waxbarashada.

Gebagebadii ayaa xafladu waxay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan iyada oo dadkii ka soo qayb galay wejiyadooda la dheehan karayey farxad.

Magacyada Ardayda Qalinjebisey Iyo Maadooyinka  Ay Dhamaysteen

 

Jaamac Faarax Ismaaciil                              MscIT  , MBA   

Mohamed Hasan Karani                              MscIT       

Cabdirahman Cabdi Ismaciil                       MscIT        

Cali Maxamed Cismaan                               Becholar Of Computer Application (BCA)

Axmed Cabdi Jaamac                                   Becholar Of Computer Application (BCA)

Siciid Maxamed Aadan                                Becholar Of Computer Application (BCA)

Jibriil Sadad Ducale                                      Becholar Of Commerce

Cabdifataax Maxamud Guure                      Becholar Of Computer Application (BCA)

Cabdiraxman Jamac Nuur                            Becholar Of Computer Application (BCA)

Cabdiraxmaan Caalin Warsame                   Becholar Of Computer Science (BscIT)

Maxamed Cabdiqaadir Yuusuf                      Becholar Of Computer Application (BCA)

Siciid Cismaan Nuur                                      Becholar Of Commerce (B.com)

Maxamed Cali Salaad                                   Electrical And Comunication Engineering [ECE]

Cabdirasaaq Maxamud Xasan                       Bsc. MLT

Maxamud Cali Ayaan                                     Bsc.MTL

Maxamed Axmed  Minjir                                Bsc.Geology

Axmed Maxamed Maxamud                          Becholar Of Computer Application (BCA)

Khadam Axmed Cali                                       Becholar Of Computer Application (BCA)

Fardowsa Farax Canabe                                 Becholar Of Computer Application (BCA)

Ayaan Ibrahim Cabdi                                      Becholar Of Commerce (B.com)

Samiya Ismacil Axmed                                   Becholar Of Commerce (B.com)

Asma Siciid Axmed                                         Becholar Of Social Work (BSW)

Faduma Cabdicasiis Xasan                            Becholar Of Social Work (BSW)

Hoodo Maxamed Cabdilaahi                         Bsc.MTL

Muna Cali Maxamud                                      Bsc.Microbiology
 

 DAAWO SAWIRO KALE




Dad waynihii ka soo qayb galay xaflada Maakhir Graduation Ceremony 

 



XIdhiidhiyaha Xaflada Eng.Axmed Naaji  Iyo   Cabdiraxmaan yare oo Quraan akhriyaya.

 



 Sheekh Cabdicasiis Bile oo Muxaadaro diini ah xaflada ka akhriyey .

 



Siciid Cabdi Cabdala oo ku hadlaaye Magaca Gudoomiyaha Ardayda Maakhir.

 



Prasatha Reddy oo ah Maamulaha PG College ee jaamacada (Osmania University) 

 



Maxamed Bashiir oo ah Maamulaha Jamacada  Jawaharlal Nehru Technological University [JNTU] 

 

Ardaydii Qalinjebisey oo sawir wadareed wada galay.

 

Ardaydii Qalinjebisey oo sawir wadareed wada galay.



 Hablihii Qalinjebiyey oo sawir wadareed wada galay.



Maxamed Xasan Karaani oo ku hadlaayey Magaca ardayda Master-ta



Jibriil Sadaad Ducaale oo Ku hadlaayey Magaca  Ardayda Becholar-ta (Degree)



Wajdi oo ah Gudoomiyaha  Ardayda Ajaanibta ah ee Magaalada Hyderabad.

 




Maxamed Cali Salaad (Ilkajiir)  oo ku ahaa xidhiidhiyaha Xaflada  qaybta labaad.

 



Cabdi Gaafaadhi oo ka hadlay Taariikhda Maakhir  

 



Maxamed Minjir oo Ka hadlay Taariikhda soomaaliya .

 



 Faysal oo ku hadlaayey Magaca Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed.

 



 Cabdiraxmaan Jaamac Nuur oo ka hadlay Taariikhda India.

 



 Maxamud Jaamac oo tiriyey Tix gabay ah. 

 



Amiirka Oo ku Hadlaayey Magaca Marti sharafta iyo Ardayda Reer Jabuuti

 



Axmed Chief oo ku hadlayey magaca marti sharafta. 



Axmed Hamud oo ka hadlay muhiimada tacliinta 

 

 



Axmed Maxamed (xamuurad) oo ka hadlay Taariikhda Maakhir.

 



Siciid Maxamed Aadan (ORTEGA) oo Ka mid ahaa Ardaydii halkaa ku Qalinjebisey.



Cumar Badmaax (Biindhe) oo halkaa hadal kooban isna ka soo jeediyey oo uu kula hadlaayey 

ardayda Qablinjebinaysey. 

 

 



Jilayaasha Riwaayadii "Hyderabad iyo Howleheed"  Bidix . Shirdoon, Cabdi Gaafaadhi, Sandheere, Isxal, Siciid Yare. 



Hablo Ciyaaraya hidaha Iyo Dhaqanka Dalkooda Oo xafalada Lagu soo casumay.

 

         HALKAN KA DAAWO SAWIRADII OO DHAMAYSTIRAN 

 

Waxaa soo Diyaariyey Weriye Madax-Banaan :

Maxamud Xamud Liiban "Cadaani" 
 

webmaster@ceegaag.com