shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad loo sameeyay arday ka qalin jabisay dugsiga sere ee Hawd Buuhoodle.

 (Buuhoodle,  June 23,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa maanta loo sameeyay xaflad aad u ballaadhan arday dhawaan ka baxday dugsiga sare ee Hawd Secondary School Buuhoodle.
 
Ardaydan oo isugu jirtay gabdho iyo wiilal ayaa waxa ay dhammaysteen dugsigii sare maalmo ka hor iyagoo galay imtixaankii kama dabaysta ahaa ee dugsiyada sare loogu soo xidhayay waxbarashadoodii heerka dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2009-2010.
 
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulashadu ka koobantahay sida  wadaadada,odayo dhaqameedka,waalaalidiinta,macalimiinta iyo ardayda ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maamulaha dugsiga sare ee Hawd sheekh Mukhtaar Axmed x Faarax isagoo ka warbixiyay ardaydan dhammaysatay waxbarashadoodii dugsiga sare uuna ku rajo weyn yahay inay noqon doonaan kuwo wax ka badela deegaankan ay ku noolyihiin ayaa waxa u yidhi:


"waxaa farxad weyn ii ah inaan arko ardaydii aan ku bilawnay dugsigan oo maanta ka qalin jabinaysa iyagoo ay usoo dhammaatay afar sano oo xidhiidh ah.
 
Wuxuu intaa ku daray inay aad ugu dadaaleen sidii ay mar uun ugu soo saari lahaayeen gobolkan dad leh aqoonta dugsiga sare.
 
Gobolkan oo aad uga dambeeya xagga wax barashada marka loo eego qaybaha kale ee waddanka waxa uuna ka codsaday jaaliyadaha dibadda ee gobolkan udhashay inay ka qayb qaataan kobcinta tayada waxbarashada ee gobolka.
 
iskusoo wadaduuboo xafladdan oo ay ka hadleen dad farabadan ayaa waxaa tix gabay ah kusoo gunaanaday abwaan Maxamud cumar Cigaal oo ku magac dheer Takar isagoo kula dardaarmayay ardaydan in ay wixii ay barteen uga faa'ideeyaan dadkooda ayna ka daalin wacyi galinta bulshadooda.

Xasan Caydiid

Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com