shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adaha WHO iyo UNICEF oo ka bilaabay Deegaanka buuhoodle talaalka caruurta oo dhameystiran.

(Buuhoodle,  June 01,  2010 Ceegaag Online)

Ha’yada Caafimaadka Adduunka ee WHO oo taageero ka helaysaya Ha,yada UNICEF Save The Children ayaa magaalada buuhoodle iyo deegaanada Hoos yimaada ka bilaabay ololaha talaalka maalmaha Caafimaadka oo loogu tala gala inay ka faaiidaystaan Guud ahaan Carruuta deegaanka buuhooodle oo iyagu xiligan u baahan talaal dhamaystiran.

Madaxa Ha,yada Caafimaadka Adduunka ee WHO ee buuhoodle DRS, Faadumo Wayrax ayaa Ceegaag.com maanta u sheegtay inuu talaalkani yahay mid dhamaystiran looguna magacdaray maalmaha tallaalka Caafimaadka oo WHO Doonayso inay ka faaiidaystaan Guud ahaan Carruuta soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deegaanka buuhoodle.

Shaqaalaha Caafimaadka oo ah kooxo si gooni ah loogu tababaraya ayaa gaadhay degmooyinka Horufadhi, Ceegaag, iyo Widh Widh iyo deegaanada hoos yimaada degmooyinkaasi oo WHO ugu talagashay inay Carruuta kunool goobaha miyiga ah ka faaiidaystaan talaalkaasi oo ah Mid dhamaystiran.

Waxana kaloo tallaalkani ku jira Vitamiino loogu tala galay Carruurta nafaqadu ka yartahay in kor loogu soo Qaado Jismigooda, kana faaiidaystaan Waalidiintu inta uu talaalkani ka socdo Guud ahaan deegaanka.
 
Cali dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com