shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Weerar lagu Qaaday Ciidamada Birmadka magaalada boosaaso oo lagu dhaawacay 8 askari oo katirsan Ciidankaasi

 (Boosaaso,  June 24,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi bari ayaa ku soo Waramaya in Qarax banbaano lagu Weeraray Gaadhi ay Wateen Ciidamada birmadka magaalada Boosaaso Ciimadaasi oo Xiligaasi ku jiray howlo shaqo.
 
Weerarka Ciidamaasi ayaa wax ku dhaawacmay ugu yaraan in ka badan 8 askari oo katirsan Ciidamada Booliska gaar ahaan kuwa birmadka magaalada boosaaso waxna kaloo weerarkaasi khasaare xoogani ka soo gaadhay Gaadhigii ay wateen Ciidamada birmadka magaalada boosaaso oo xiligaasi ku jiray Howl galo shaqo oo magaalada boosaaso ay Ciidamadu ka Wadeen.
 
Saraakiil katirsan Ciidamada booliska magaalada boosaaso oo Weerarkaasi kadib saxaafada la hadlay ayaa shaaca ka Qaaday inay Weerarkaasi ka danbeeyeen kooxaha ka dagaalamay gudaha koonfurta somalia gaar ahaan kooxda alshabaab oo lagu yaqaano Weerara noocaasi oo kala ah.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com