shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiir kuxigeenka Waxbarashada Puntland oo maanta ardayda Dugsiga sare ee Hawd ugu soo Xidhay imtixaanka sanadka

(Buuhoodle,  June 10,  2010 Ceegaag Online)

Waraysi Dr C/raxmaan Diiriye Carab Dhagayso

Iyadoo todobaadkii hore bilowgiisii Guud ahaanba deegaanada puntland laga bilaamay imtixaanaadka sanadkan ayaa imtixaanaadkaasi maanta si rasmi ah ardaydaasi maanta ugu soo dhamaaday guud ahaanba goobaha Waxbarashada ee magaalooyinka puntland oo maanta Ardaydaasi Qaadatay fasax gaadhaya mudo dhan 3 bilood sida uu Ceegaag.com u sheegay wasiirkuxigeenka Waxbarashada puntland.
 
Dhinaca kale Dugsiga sare ee Hawd Secentray School ayaa maanta loogu soo Xidhay ardaydaasi imtixaanaadkaasi oo halkaasi loogu dhigay Xaflada balaadhan oo goob joog ahaa Wasiirkuxigeenka Wasaarada waxbarasha puntland Maamulka iskuulkaasi,Waalidiin tiro badan.
 
Soo Xidhitaanka Imtixaanaadkaasi ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com Waraysi la yeelatay Wasiirkuxigeen waxbarashada puntland Dr C/raxmaan Diiriyey Carab oo Ceegaag.com sharaxaad dheer ka siiyey tirada ardayda u fadhiisatay imtixaanaadka sanadka guud ahaan magaalooyinka puntland.

Daawo Sawirada


 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com