shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

War deg deg ah Dawlada itoobiya oo galabta ku wareejisay Maamulka Puntland Gaadiidkii iyo hantidii shacabka Buuhoodle lagu ka xaystay kadib dagaalkii Buuhoodle

 (Jigjiga,  June 30,  2010 Ceegaag Online)

Waraysi wasiirka kalluumaysiga ee Puntland  Max'ed Farax FaruurDhagayso

Wararka hada naga soo gaadhay magaalada Jig jiga ee Caasimada dawlad deegaanka soomaalida ayaa ku soo waramaya in galabta goor gaaban Xaflada balaadhan oo ka dhacday magaalada jig jiga lagu wareejiyey Madaxwayne kuxigeenka puntland Gaadiidkii lacagtii, hantidii shacabka buuhoodle dhawaan Ciidamada itoobiya ka ka xaysteen magaalada buuhoodle kadib dagaal ka dhacay gudaha magaalada buuhoodle 21 Bishii may.
 
Masuuliyiinta dawlada itoobiya ayaa Maanta si rasmi ah Waftigaasi ka socday Dhinaca puntland ugu wareejiyey dhamaan hantidii shacabka buuhoodle oo haatan gacantoodu ku jirto Madaxwayne kuxigeenka puntland kadib wadahalo uga socday magaalada jig jiga labada Maamul ayaa maanta lagu guulaystay in hantidii shacabka buuhoodle dib loo helo.
 
Wareejinta Gaadiidkaasi iyo hantidaasi kadib ayaa shabakada Wararka  Ceegaag.com taleefoonka magaalada jig jig kula Xidhiidhay Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka bada puntland oo isagu goob joog ahaa goobtii Xafladaasi maanta lagu kala wareejinayey gaadiidku ka dhacaysay, Ceegaag.com ayuuna Wasiirku faah faahin ka siiyey Qaabkii hantidaasi maanta ula wareegeen, inkastoo taleefoonku uu go,ay kadib Cilid xaga Hawada ah.
 
Talaabadan  uu Maamulka puntland Qaaday ayaa Waxaa soo dhaweeyey dhamaan Qaybaha kala duwan ee bulshada buuhoodle oo ku tilmaamay talaabo guul ah oo Maamulka puntland uu Maanta ku talaabsaday Waxna lagu Wadaa in maalinta barito magaalada buuhoodle shir isugu yimaadan waxgaradka buuhoodle oo lagu taageerayo talaabadaasi uu maamulka puntland gaadiidkaasi iyo hantida shacabka dib ugu soo Celiyey.
 
wararkaasi oo faah faahsan iyo waraysiyadaba kala soco saacadaha danbe shabakada wararka Ceegaag.com oo diyaar idiin la ah soo gudbinta warar tayeysan oo deg deg ah.


Cali dhagjar
Ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com