shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka USA oo Tartan ciyaareed loogu dabaal dagayey Sanadguuradii 50maad ee xornimada Soomaaliya oo lagusoo afmeeray magaalada Boston ee cardigan mareekanka.

 (Boston,  June 27,  2010 Ceegaag Online)

Gudida Somali United Alliance  ( Soomaalida u midowday waxwadaqabsiga) ayaa maanta ku qabtay munaasabad socondoonta laba maalmood magaalada Boston ee carigan Maraykanka.

Munaasabadan oo lagu xusayo ama lagu xasuusanayo dadaalkii iyo shaqadii wayneed ee loo huray Xornimada Soomaaliya ayaa isugu jirtay Ciyaaraha Kubada Kolayga oo loo qabtay dhalinta kuwooda Sookoraya kuwooda qaangaadhay iyo  kuwooda Hanaqaaday.

Iyo maanta Axada June 27, 2010 oo ah xaflad lagu qaadaa dhigayo Suugaanta Soomaalida noocyadeeda kala duwan iyo waliba Taariikhda umada Soomaaliyeed.

Ciyaarihii kubada kolayga ee manta ayaa ahaa kuwo loo abaabulay shanshan kooxood oo ka turjumayay shantii gobol ee loo kala qobqobay Soomaali Wayn. Astaanta Xidigta Calanka.

Dhalinta soo korasa waxaa Koobka qaaday Kooxdii ku ciyaarasay Magaca Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhalinta Qaangaadhaya ayaa waxaa koobka ku guulaystay kooxdii ku ciyaarasay magaca Hargaysa halka dhalinta hanaqaadayna ay ku goolaysatay koobka kooxda ku ciyaarasay magaca Jigjiga.

Waan idiin soo gudbindoonaa Sawirada Kooxaha dhamaantood Labadan kooxood waa dhalinta Sookorasa labadii isreebreebka isugu soo hadhay,   Muqdisho iyo Hasrgaysa.

 

webmaster@ceegaag.com