shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliyihii Qaybta Booliska Somaliland ee buuhoodle oo ku dhaawacmay shil baabuur..

(Buuhoodle,  June 15,  2010 Ceegaag Online)

Duleedka Waqooyi ee magaalada buuhoodle wax maanta ka dhacay shil baabuur uu sababay dhaawac ugu yaraan labo ruuxi oo kamid yahay taliyihii Qaybta Booliska ee somaliland ee magaalada buuhoodle C/kariin Ismail dhowre, Waxa kaloo ku dhaawacmay Mid kamid ah ilaaladiisa.

Taliyaha Qaybta booliska C/kariin Ismail dhowre oo Ceegaag.com uga waramaya Qaabka shilkaasi u dhacay ayaa sheegay, in isagoo ku sii Jeeda magaalada horufadhi wada isku Xidha magaalada buuhoodle iyo horufadhi isaga horyimaadeen gaadhi yar kadiba isla markiiba labadii gaadhi fooda isku dhufteen, taasina keentay in halkaasi uu ka dhasho shilkaasi gaadhi.

Taliyaha C/kariin ayaa hada xaaladiisu tahay Mid caadi ah waxna madaxa ka soo gaadhay dhaawac Fudud isaga iyo askarii la socdayba oo haatan xaaladoodu tahay mid aan u Wanaagsan.

Mudooyinka deegaanka buuhoodle waxa ku soo badanayey shilalka Wadooyinka iyadoo arimahaasi sabab looga dhigayo Wadooyinka oo inta badan ay xidhaan roobabkii sanadka dhir farabadan ku soo baxday Wadooyinka hareeraheeda.
 
Cali dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com