shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Taliyihii Ciidamada Aaga Widh Widh ee Somaliland Mustafe Galaal oo ka soo Goostay Ciidamada Somaliland Goordhawayd

 (Widhwidh,  June 17,  2010 Ceegaag Online)

Warar hada naga soo gaadhay magaalada Widh Widh ayaa ku soo Waramaya in Ciidamo uu Wato Mustafe galaal oo ah Taliyihii Ciidamada aaga Widh Widh uu ka soo goostay Ciidamada somaliland uu isagu horay uga tirsanaan jiray, haatana warar ceegaag helayso ku sugan yahay Magaalada Dan Dan oo buuhoodle u jirta 30KM dhinaca bariga.
 
Warkaasi ayaa Ceegaag.com Caawa Waxa shaaca uga Qaaday Garaad Abshir Saalax oo kamid ah Isimada Beelaha SSC, Isla markaana ah Isimka beesha Barkad Garaad Abshir Saalax waxaa uuna garaadku intaasi Raaciyey in Maalinta barito ah Warbaahinta la siinayo Faah faahin dheeraad ah oo ku aadan sababah keenay inuu ka soo goosto Ciidamada Somaliland.
 
 
Dhinaca kale Ceegaag.com oo heshay Warar lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka Qaaday inuu Mustafe Galaal Wato Ciidama xoogan oo katirasan beeshiisa isla markaana uu go'aan ku gaadhay inuu isaga soo goosto Ciidanka Somaliland.
 
Mustafe Galaal ayaa Waxa ahaa Ragii loo tirinayey inuu Ciidamada Somaliland keenay magaalada Widh Widh haatana isaga soo baxsaday lama oga sababaha keenay inuu Ciidamada Somaliland ka soo goosto, Ceegaag.com ayaana Ilo Wareedyo Madaxbaan ka heshay in Beesha uu katirsan yahay Culus badani kaga yimid gudaha iyo dibadaba taasina keentay inuu ka soo goosto Ciidamada somaliland........
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com