shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada dayax oo magaalada Buuhoodle ka bilowday Qodista Ceel biyood kale, dhawaana magaalooyinka Ceegaag, Widh Widh,iyo Laascaanood laga bilaabi doono

(Buuhoodle,  June 14,  2010 Ceegaag Online)

Duleedka Magaalada buuhoodle waxaa laga bilaamay Qodista Ceel riig ah oo ay dhisayso Shirkada dayax training oo saldhigeedu yahay magaalada buuhoodle, shirkadaasi dayax ayaana horay magaalada buuhoodle uga dhistay Ceel biyood kuyaala duleedka magaalada buuhoodle xiligaasi oo ahayd 2004 Ceelkaasi oo haatan si rasmi ah looga cabo deegaankana ku soo kordhiyey waxtar muhiim u ah dhinaca biyaha oo nolosha aas aaskeeda ah.

Shirkada dayax oo saldhigeedu yahay magaalada buuhoodle haatan ka bilowday Qorshe la doonayey in Ceel biyood kale laga hirgaliyeo magaalada buuhoodle, kadib markii shirkada dayax aragtay baahida deegaanka buuhoodle oo u baahan in Ceel biyood kale laga hirgaliyo si noloshada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa magaaladuba u helaan biyo xiliyada jiilaalka.

Sidoo kale waxaa shirkada dayax ceelka magaalada buuhoodle uga bilowday sidii Xaafadaha magaalada loogu samayn lahaa biyo galin, iyadoo shirkada dayax diyaarisayno Qaabkii biyahaasi lo keeni lahaa magaalada buuhoodle iyo haamiyii kaydin lahaa biyaha una soo Gudbin lahaa magaalada Qaybaha heeda kala duwan, Ceelkani ayaa loogu talagalay in biyihiisa lagu gaadho Qiyaas ahaa 380Mitir, halka kii hore ahaa 360 mitir.

                  

Dhinaca kale C/rashiid Maxamuud Hasan oo ah Maamulaha Shirkada dayax ayaa maanta Ceegaag.com u sheegay in dhawaan magaalooyinka Ceegaag, Widh Widh,iyo Laascaanood laga bilaabi doono Qorshaha loogu samayn lahaa Ceelal laga hirgalinayo magaalooyinkaaasi.

Waxaana uu intaasi raaciyey Maamulka dayax inay arintaasi ka danbaysay kadib Codsiyo uga yimid bulshada kunool magaaloyinkaasi oo dalbaday in loo Qodo ceelal magaalooyinkaasi laga hirgaliynayo, waxaana uu sheegay Dr C/rashiid maamulaha dayax inay ka go,antahay wax soo saarka biyaha deegaanada SSC.
 
Cali Dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com