shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sarkaal katirsan ciidanka booliska Puntland oo Boosaaso lagu dilay, iyo dad kale oo lagu dhaawacay

(Boosaaso,  June 12,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Boosaaso waxa maanta lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada Booliska magalaada Boosaaso oo xiligaasi ku jiray howlo shaqo waxna dilkaasi kaloo dhaawac ka soo gaadhay Qaarkamid ah dadkii goobtaasi ka agdhawaa oo tiradoodu gaadhayso laba ruuxi oo kale oo iyagu xabadu heleeshay.
 
 
Dilkaasi ayaa waxaa ku Geeriyooday Marxuun Col Cali Jaamac Khalaf oo ka mid ah Saraakiisha Booliiska Puntland ahaana si ku meel gaadh ah xeer ilaaliyaha maxkamada darajada 1aad ee Boosaaso,  waxna dilkiisa ka danbeeyey Kooxo hubeysan ayaa sarkaalka ku rasaaseyay Gudaha Suuqa Boosaaso xili uu ku jiray shaqada Booliska.
 
 
 
Saraakiisha Ciidanka Booliska magaalada Boosaaso oo dilkaasi kadib warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay in dilka sarkaal kaasi ka danbeeyeen kooxo hubaysan oo mudooyinka falal amaan daro ka waday gudaha magaalooyinka Puntland.
 
 
 
Booliska magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay ku raad joogaan Cidii falkaasi dilka ah ka danbaysay waxana boolisku intaasi raaciyey inay sii wadi doonaa baadhitaanka lagu wado sababaha keenay dilalka Qorshaysan oo ku soo kordhay magaalooyinka Puntland iyo amaan darada.
 
Cali Dhagjar.
ceegaag.com
Buuhooodle
 

webmaster@ceegaag.com