shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Natiijadii imtixaanaadka simisterkii 2aad ee sanad dusiyeedka 2009-2010 ee jaamacada Muqdisho oo soo baxday

 (Muqdisho,  June 22,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 21/06/2010 si rasmi ah usoo baxday natiijadii imtixaankii ugu danbeeyey ee simisterka labaad  ee dhamaan kuliyadaha jaamacadda muqdisho sanad waxbarashadeedka 2009-2010.

Kulan ay soo xaadireen golaha akaadeemiyada jaamacada laguna ansaxinayey natiijada imtixaanaadka simisterka labaad uuna ka sooqeybgalay  gudoomiyaha jaamacada muqdisho  Dr-cali sheikh axmed abuubakar  ayaa waxay ku ansixiyeen natiijada imtixaanka simisterka labaad oo ay soo gudbiyeen Qeybta imtixaanaadka jaamacada

Ka dib soo bandhigii natiijada imtixaanka ayaa waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha jaamacada muqdisho  oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay maqsuudna uu kayahay natiijadan wanaagsan ee soobaxday isagoo umahadceliyey qeybta imtixaanaadka jaamacada muqdisho iyo hormuudyada kuliyadaha iyo guud ahaan arimaha akaadeemiyada sida wanaaga leh ee ay ugu howlgaleen ka shaqeynta imtixaanka iyo ku soo gudbintiisa xilligii loogu talagalay.

Dhanka kale munaasabada soo dhajinta imtixaanka oo ay aad usagayeen ardada jaamacada ayaa si farxadi ku dheehantahay ugu dareeray xarumihii waxbarashada boorarkii imtixaanka lagu soo bandhigay  iyadoo uu halkaas ka eegayo qofwalba natiijadii uuka gaaray da daalkiisa wax barasho ee simisterka labaad .

Sanadkaan ayaa waxa uu ku soogabagaboobay jawi aad uwanaagsan iyadoo ardada ay aad ugu faraxsanyihiin sida ilaahay ugu fududeeyey.

Dhanka kale waxaa iyagana Qalinjebiyey uuna udhamaaday qaarkamid ah ardada dhigata kuliyadaha kalagedisan iyagoo qaadanaya shahaadadoodii ay4 afarta sano usoohalgamayeen iyagoo diyaariyey buugii loogu talagalay aadna ugu faraxsan iyagoo dalkooda hooya jooga ay waxbarasho helleen.

C/NAASIR YUUSUF MACALIN

QEYBTA WARFAAFINTA JAAMACADA MUQDISHO

MUQDISHO SOMALIA

webmaster@ceegaag.com