shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Calgary ee gobolka Alberta ee dalka Canada oo ku guulaysatay Koobkii dabbaalgdegga 26 June oo lagu qabtay magaalda Edmonton

 (Edmonton, Canada  June 26,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo toddobaadkan oo dhan ay ka socdeen ciyaaro kubadda cagta ah oo ay ku loolamayeen lix kooxood oo ka kala socday magaalooyinka Edmonton, FortMcmurray iyo Calgary ayaa waxaa cayaartii kama danbaysta ahayd isugu soo hadhay Kooxda ka socotay magaalada Calgary oo Soomali ah iyo koox ka socotay Edmonton oo ka socotay Itoobiya ka dib markii ay toddobaadkan gudihiisa ka soo dhexbaxeen lixdaas kooxood ee loo dhigay koobka xuska sannadguurada 50aad ee ka soo wareegtay wakhtigii ay xorriyadda  Soomaaliya.ka qaadatay gumaysigii Ingiriiska.

 

Cayaartaas kama danbaysta ah oo lagu qabtay garoonka caalamiga ah ee Joe Clarke Stadium ee magaalada Edmonton ayna ka soo qaybgaleen dadwayne farabadan oo kala taageersanaa labada kooxood iyo martisharaf ka kala socota jahliyadda Soomalida ee ku nool magaalooyinka ay ka koobantahay gobolka Alberta ee dalka Canada.

 

Waxaa koobkan si wada jir ah u maalgaliyay ururada Soomalida ee Edmonton sida ururka SCERDO, ASAAS, ASWSSA, SCCC iyo FC –UNITED EDMONTON. Waxaa kaloo goobjoog kahaa Idaacadda ARAGTIDA BEESHA  ee Edmonton iyo shabakadda wararka ee CEEGAAG.COM oo si maqal iyo muuqaalba ah u tabinaysay marba meesha ay kala marayaan labada kooxood ee ciyaarayay. Waxaa haddaba cayaartaas 9 gool iyo 2 ku badiyay kooxda Soomalida ee magaalada Calgary halkaasna waxaa lagu guddoonsiiyay koobkii 26 June ee 2010.. 

 

Waxaa munaasibaddaas goobjoog ka ahaa dhammaan madaxdii ururadaas kor ku xusan sida Dr. Maxamed Jimcaale, Bashir Xaaji Cali , Cabdinuur Khaliif Xaashi, Maxa,med Siciid Xoolonool, Cabdiqafaar Cali Wadaad (Xaaji), Leyla Ladane , Cabdi-khayr Cumar Xaaji iyo Maxamed Axmed Xirsi (Cawil) iyagoo halkaas dardaaran uga soo jeediyay dhammaan dhallinyaradii ka soo qaybgashay tartankaas iyo ciyaartooydiiba. Waxaa kaloo iyana xafladdaas si hagar la;aan ah uga shaqeeyay dhammaan hawlwadeennada iyo shaqaalaha ururada kor ku xusan.Waxaa ugu danbayn koobkii iyo billadihii loogu talogalay kooxaha Calgary oo koobkii hantiday iyo kooxda  Edmonton oo kaalinta labaad gashay lagu sharfay in uu guddoonsiiyo  Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo ah guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka SCERDO.

 

 Waxaa kaloo xusid mudan in la qaban doonaa tartan kan la mid ah  1 July 2010 oo algu xusayo maalintii Soomaliaya israacday ee ay noqotay Jumhuriyadda Soomaaliya iyo maalinta Canada xorriyadda qaadatay.

webmaster@ceegaag.com