shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Lacag been abuur ah oo lakeenay Gaalkacayo khilaafna ka dhex abuurtay Maamulka iyo Ganacsatada

 (Gaalkacayo,  June 29,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Gaalkacyo Waxa mudooyinkani kataagnaa muran xoogan oo u dhaxeeya ganacsatada magaalada Gaalkacyo iyo Maamulka Puntland, khilaafkaasi oo haatan gaadhay meeshii ugu saraysan oo maamulkaasi Puntland ka soo saaray go'aamo adag.
 
 
Khilaafkan haatan soo kala dhexgalay Maamulka magaalada Gaalkacyo iyo Qaarkamid ah ganacsata gobolkaasi Mudug, ayaa yimid kadib markii todobaakii hore Qaarkamid ahi ganacsata magaaladaasi garoonka Gaalkacyo kala soo degaan  lacag shilin Soomaali ah oo laga soo Qaaday magaalada Muqdisho.
 
Waxana Maamulkaasi gobolka Mudug lacagtaasi ku tilmaamay Lacag been abuur  ah aysanna qaadan doonin hadii ay gudaha gobolka Mudug soo gasho, waxaana ay ganacsatadu ku baaqayaan in lacagtaas lagu celiyo meeshii ay katimid, Maamulka magaalada gaalkacyo ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaasi khal khal galin karto howlaha ganacsiga Puntland gaar ahaan Qiimaha doolarka oo sare u kaca.
 
Magaalada Gaalkacyo Waxa ka soconaya kulamo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka soo kala dhexgalay maamulka magaaladaasi iyo ganacsata gobolkaasi Mudug oo haatan khilaafkoodu gaadhay meel sare.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
 

 

webmaster@ceegaag.com