shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Labo dhalinyaro oo midi Soomaali yahay oo lagu eedeenayo inay xiriir la leeyihiin kooxaha ladagaalamaya dawlada Soomaaliya(Al-Shabaab) oo lagu xidhay Garoonka JFK New York.

(New York,  June 06,  2010 Ceegaag Online)

Ciidamada Amaanka ee Gudaha ahna kuwa dawlada shexe ee wadankan maraykanka  FBI-da ayaa maalinkii shalay ku qabtay garoonka John F Kanedy International Airport Mohamed Hamoud Alessa (20-jir) iyo Carlos Eduardo Almonte (26-jir) xilli ay damacsanaayeen in ay u safraan dalka Soomaaliya iyagoo sii maraya dalka Masar.

Labadan wiil oo midi Soomaali yahay ayaa labaduba haysta dhalashada Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-SHabaab  ee koonfurta Somaliya ka dagaalama.

Sirdoonka ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayeen labadan dhalinyaro tan iyo sanadkii 2006-dii, waxaana lagu hayaa cadeymo ah in ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya ka dagaalanta.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay damacsanaayeen in ay ku biiraan kooxda al-Shabaab iyagoona ugu dambeyn bartilmaameedsanaya danaha iyo askarta Mareykanka ee dibadda.

FBI-da ayaa sheegtay in markii nimankan la qabanayay aysan wax dhibaato ah ka geysan garoonka ay ka dhoofayeen.

Labadan wiil ayaa si aada ugu diyaar garoobay Jihaadka ay doonayeen ama laga dhaadhiciyay inuu ka jiro wadanka Soomaaliya iyada oo la cadeeyay inaysan wax weerara ku qaadeen ama aysanba la damacsanayn wadanka maraykan kabalse dhibtooda la aadayay Soomaaliya oo dhibteediiba maasheesay.

Source: Sunday Star Ledged
www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com