shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jariirada New York Times oo ka been Abuuratay Askarta dawlada Soomaaliya

 (Muqdisho,  June 25,  2010 Ceegaag Online)

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay lix ciyaal ah oo aad u yar-yar, kuwaasoo lagu sheegay in ay ka mid yihiin ciidamada dowladda iyadoona warbixin muuqaal wadata oo laga duubay lagu soo bandhigay joornaalka caanka ah ee New York Times.

Warbixintan wargeyska Mareykanku ka qoray caruurtan uu ku sheegay ciidamada dowladda ayaa si weyn u dhaawacday sumcadda ciidamada dowladda, waxaana maalinkii xigtay ee ay warbixintani soo shaac baxday isna shir jaraa`id uu ku beeninayo arintan qabtay madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed.

Cawil oo ah wiilka sida weyn uga muuqda muuqaalka ay soo bandhigtay jariirda THE NEW YORK TIMES islamarkaana lagu sheegay in uu ka mid yahay ciidamada dowladda ayaa yiri "Annagoo banooni ciyaareyno, aniga iyo ilmo kale ayaa waxaa noo imaaday nin gaal ah oo tarjumaan Soomaali uu la socdo, waxayna nagu dheheen madaxweynaha ayaa u baahan in uu arko caruur hubka qaadi karta oo film jisha".

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Cawil yiri "Waxey kaloo na dheheen waxaa idiin baahan dowladda, anigana waligey qori ma qaadin oo ciyaal xaafad ayaan iska ahaa"

Wiil kale oo isna la sheegay in laga duubay filimkii lagu soo bandhigay jariirda THE NEW YORK TIMES islamarkaana lagu magacaabo Maxamed ayaa isna yiri Hotel Peace agtiisa ayaan kubad ku ciyaareynay, nin Soomaali ah iyo nin kale oo ajnabi ah ayaa noo yimid, waxay na dhaheen lacag ayaan idin siineynaa ee aan idin sawirano adinkoo hub wata, annaga waxaan qaadanay lacagta oo waan u baahneyn, qof kasta waxaa la siiyay $10 dollar (toban dollar) marka laga reebo Cawil oo la siiyay $50dollar (konton dollar), waana qaadanay qoryihii”.

Caruurtan ayaa sheegtay in markii filmka laga duubayay loo balan qaaday in ay la kulmayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo in dowladda shaqo laga siinayo.

Qaabka ay dowladdu kusoo heshay caruurtan filinka jishay ayaa waxaa ka waramay gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/salaan Daahir C/lle, wuxuuna sheegay in la aqoonsaday halka ay filmka ku jileen iyagoona laga baahiyay idaacadda.

Wuxuu kaloo sheegay in ciidamada amaanku ay ku raad joogaan shakhsiyaadka ka dambeeyay fikirka filmkaan oo uu ku rajo weyn yahay in gacanta lagusoo dhigi doono dhawaan.

Taliye ku xigeenka ciidamada xoogga Cabdi Kariin Yuusuf Aadan (Dhago-badan) oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan cid alaale iyo cidii lug ku laheyn ceebeynta ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Xigasho:Calanka

webmaster@ceegaag.com