shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isimada Cuqaasha iyo Culumada Diinta ee Buuhoodle oo saaka Go'aamo ka soo Saaray shiray Buuhoodle ku yeesheen kadibna Saxaafada la hadlay

(Buuhoodle,  June 05,  2010 Ceegaag Online)

 Go'aamadii Shirkaa jaraa'id Dhagayso

Magaalada buuhoodle Wax saaka shir Isugu yimid Isimadii hore magaalada buuhoodle ugu sugnaa iyo Qaarkamid ah Cuqaasha deegaanka Buuhoodle oo ay Wehelinayeen Culumada diinta ee Buuhoodle oo iyana saaka shirkaasi soo Xaadiray, Kadibna Markii shirkaasi dhamaaday Waxa warbaahinta la hadlay Isimada Cuqaasha Qaarkood iyo Culumada oo iyagu halkaasi ka soo saaray go,aamo.
 
 
 
Go,aamada ayaana looga hadlaya Xaalada haatan ka taagan Guud ahaan deegaanada ssc iyo Haysa shada Ciidamada somaliland ee iyagu haatan ku sugan Degmada Widh Widh waxna kaloo shirkaasi looga hadlayey Gaadiidkii Ciidamada itoobiyaanku todobaadkii hore ka ka Xaysteen magaalada buuhoodle.
 
 
Ugu danbaytii shirkaasi ayaa laga soo saaray Go,aamo gaadhay 4 Qodob oo Warbaahinta ay siiyeen Isimadii Cuqaasha iyo Culumada diinta ee buuhoodle, shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana soo duubtay go'aamadaasi maanta laga soo saaray shirkani ka dhacay magaalada Buuhoodle.

qodobadan ayaa u dhignaa macno ahaan sidatan

  1. Hadii aanu nahay reer Cayneed in nabadgalyada beelaha darifyada  iyo maamuladaba la'ilaaliyo.

  2. Dhulka SSC uga maqan Maamulka Soomaaliland in wadahadal lagu doono Somliland Shuruud la'aan uga baxaan Goboladan SSC.

  3. In isimada iyo Ciidamadooda Kusoo Duulay Gobolkan si dhekhso ah uga baxaan.

  4. Itoobiyo waxaan ugu baaqanaa derisnimo wanaagii naga  dhexeeyay iyo inaanu nabada wada adkeeno.

Daawo Sawirada
 


Cali dhagjar
Ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com