shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isbitalka Puntland Hospital oo ku yaalla magaalada Boosaaso oo maanta la Xidhay, kadib dab Qabsaday dhawaan

 (Boosaaso,  June 30,  2010 Ceegaag Online)

Maanta Waxa gabi ahaanba la Xidhay Isbitaalkii ugu Waynaa magaalooyinka puntland ee dhinaca Caafimaadka Isbitaalkaasi oo ahaa Puntland Hosbital waxna maanta Isbitaalkaasi Xidhay Agaasimaha Guud ee Isbitaalkaasi DR C/ salaam Xusee Cabdi, Dr C/ salaam ayaa maanta saxafiyiinta ugu sheegay magaalada boosaaso inay tahay sababaha loo Xidhay Puntland Hosbital ay tahay kadib markii todobaadkani gudihiisa uu Qaybtii ugu muhiin sanayd ee puntland Hosbital uu dab Qabsaday.
 
Agaasimaha ayana intaasi Raaciyey in dhamaan Qalabkii Hosbitaalkaasi yaalay uu gabi ahaanba shufbeelay lagana Badbaadiyey shaqaalihii Caafimaadka oo ka kala yimid wadamo kuyaala Yurub Carabta, iyo africa oo Isbitaalka puntland ka Howl gali jiray.
 
Dr. Cabdisalaan waxa uu sheegay in wali ay qiimeynayaan inta uu la eg yahay guud ahaa khasaaraha gaaray isbitaalka waxna uu intaasi raaciyey in gabi ahaanba la Xidhay Isbitaalka puntland inta la keenayo Qalabkii loogu shaqayn lahaa.
 
Puntland Hosbital ayaa ahaa Xarunta Caafimaad ee kaliya ee ka Hawl gashay gudaha puntland oo shaqaalaha ka shaqeeyaa u dhashay wadamo badan oo kuyaala Caalamka waxna hada soo foodsaartay dadka ku dhaqan gobolada puntland walaac xoogan oo ay ka Muujinayaa Xidhitaanka Isbitaalkaasi oo ahaa mid ka shaqeeya Guud ahaan Xanuunada Caafimaadka.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com