shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Imtixaankii Ardayda macalinimada ay u tabobaraso Jaamacada Muqdisho oo la qabtay

 (Muqdisho,  June 23,  2010 Ceegaag Online)

Boqolaal ardaydii ka soobaxday dugsiyada sare ee dalka soomaaliya ayaa ufariistay imtixaan qabuulka ahaa ee ay jaamacada muqdisho ugu tababareyso  macalinimo  ayna ku qaadanayaan DIPLOMA  laba sano ah.

Madaxa qeybta imtixaanaadka jaamacada muqdisho Dr- maxamed xasan nuur ayaa sheegay in 22/06/2010 ay jaamacada muqdisho ay imtixaan ufariisteen boqolaal ardayda dugsiyada sare iyo macaahidyada soo dhameysatay oo lootababarayo macalinimo socondoonta mudo 2 labao sano ah oo ayku qaadan doonaan DIPLOMA  Maxamed xasan nuur ayaa sheegay in aysan ahayn tababarkii ugu horeeyey ee ay jaamacadu uqabato macalimiinta, iyadoo qaban jirtay siminaaro,dowraad iyo tababaro ceynkaan ah laakiin uukan kaga duwanyahay mudada uusocondoona oo la kor dhiyey markii la,arkay baahiyo jira.

Dhanka kale waxaa kormeer kutegay xarumaha ay ka dhacayeen imtixaanaadkan gudoomiyaha jaamacada muqdisho Dr. Cali Sheikh Axmed Abuubakar  isaga oo ardada ku booriyey  inay muujiyaan da daal dheeri ah sabab too ah waxaad tihiin dad loo tababarayo macalinimo ayna fahmaan yoolka ay hiigsanayaan .

Imtixaankan oo isugu jiray mid qoraal iyo oral waxa uuna ku soogabagaboobay jawi farxadleh oo wanaagsan.

 

C/NAASIR YUUSUF MACALIN

Cnaasir114@hotmail.com            

XAFIISKA WARFAAFINTA JAAMACADA MUQDISHO

MUQDISHO-SOMALIA


 

webmaster@ceegaag.com