shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafti ka socda Ha'yada NBA oo Gaadhay Magaalada Ceegaag oo bilowday Qorshe la doonayey in Ceegaag laga bilaabo Qodista Ceelasha biyaha macaan

 (Ceegaag,  June 20,  2010 Ceegaag Online)

Gud.  Cabdi Xaaji CXali (Cabdi Riigle) Dhagayso

Degmada Ceegaag Waxa Gaadhay Wafi balaadhan oo ka socda Ha'yada NBA oo kamid ah ha'yada ka howl gala gudaha Wadanka Soomaaliya xafiisna ku leh magaalada Laascaanood waftigaasi ayaa Qaarkood waxay safar kaga yimaadeen magaalada Nairobi ee wadanka.
 
 
Ujeeda Waftigani ka socda Ha,yada NBA ayaa lagu sheegay sidii degmada Ceegaag looga bilaabilahaa Qorshaha la doonayo in lagu Qodo Ceelal biyoodyo laga bilaabayo degmada Ceegaag waxna Masuuliyiinta ha,yada NBA Gudoomiyaha degmada Ceegaag iyo Waxgaradka degmada Ceegaag oo iskaashana kormeer ku tageen ugu yaraan 3 goobood oo loogu tala galay in laga bilaabo dhawaan Qodista Ceelasha.
 
 
Ha'yada NBA oo ku Caan baxday Helida biyaha iyo Qodista ayaa shaaca ka Qaaday in Ceegaag laga helay biyaha kadib kormeer ay ku sameeyeen goobo halkaasi kuyaala, Masuuliyiinta ha,yada NBA Ayaa intaasi Raaciyey inay Warbixinta Degmada Ceegaag u bandhigi doonaa Madaxda sare ee ha,yadaasi kadiba dib ugu soo laaban doonaan degmada Ceegaag.
 
 
Gudoomiyaha Degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi(C/riigle oo Ceegaag.com arimahaasi uga Waramaya ayaa sheegay inay Waftigaasi intii ay joogaa magaalada Ceegaag siwayn loogu soo dhaweeyey, gudoomiyaha ayaana Ceegaag.com sharaxaad dheer ka siiyey Goobaha Laga helay biyaha ee kamid ah deegaanka Ceegaan.
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

webmaster@ceegaag.com