shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hal Ruuxi ayaa ku dhintay 12 kale dhaawac ayaa ka soo gaadhay, kadib dab Qabsaday xaafad kamid ah magaalada Boosaaso

(Boosaaso,  June 13,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay magaalada boosaaso ee xarunta gobolkaasi bari ayaa ku soo waramaya in maanta galikii hore magaaladaasi uu ka bilaamay dab xoogan oo dhaliyey khasare isugu jira naf iyo maal, dabkaasi maanta ka bilaamay magaalada boosaaso ayaa Qabsaday Xero Qaxootin oo ay degan yihiin dad ka soo barakacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
 
Khasaaraha dabkaasi ka dhashay ayaa gaadhay Qof ayaa ku dhintay tiro ka badan 13 ayaana dabkaasi maanta ku dhaawacmay dabkaasi ayaana gabi ahaan cagta mariyey  laba meel marka saddex loo qaybiyo guryaha ku yaallay xerada qaxootiga ee Shabeelle oo ka mid ah meelaha ay ku nool yihiin dadka ugu faraha badan ee ka soo barakacay gobollada koofureed ee Soomaaliya.
 
 
Dabkaasi ayaana sidoo kale cagta mariyey gabi ahaanba guriyii ay deganaayeen dadka ka soo barakacay koonfurta somalia oo iyaga maanta soo gaadhay khasaare xoogan oo isugu jirta naf iyo maalba, Madaxda maamulka degmada Boosaaso kan gobolka ayaa gaadhay goobtaasi uu maanta dabkaasi khasaaraha ka gaystay.
 
Maaha Markii ugu horaysay ee dab noocan oo kala ahi khasaare ka gaysto gudaha magaaada boosaaso gaar ahaan xerada shabelle oo dadkaasi barakacyaasha ahi degan yihiin, oo ugu yaraan 3 jeer oo hore dab noocaasi ahi oo kala Qabsaday guriyahooda,inat badana waxay Caawimo ka heleen ha,yada samafalka oo xiliyadan oo kale gacan lixaad leh u fidiya.
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle


webmaster@ceegaag.com