shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ha'yada bishacas oo Deeq Daawo ah soo gaadhsiisay Buuhoodle

 (Buuhoodle,  June 20,  2010 Ceegaag Online)

Ha'yada Bishacas oo kamid ah Ha,yadaha samafka ah ee ka howlgala gudaha Wadanka somalia ayaa deeq daawo ah soo gaadhsiiyey magaalada buuhoodle gaar ahaan Xarunta Isbitaalka Guud ee degmada buuhoodle oo daawo la,aani soo food saartay.
 
 
Deeqdani Daawada ah ayaa loogu talagalay Xarumaha Caafimaadka ee deegaanka buuhoodle gaar ahaan degmooyinka Widh Widh Ceegaag, horufadhi iyo tuulooyinka hoos yimaada magaalada buuhoodle oo bishacasi ugu tala gashay Xarumaha Caafimaadka.
 
 
 
Deeqdani Daawada ah ayaa ahayd Mid dhamaystiran Waxna ha,yada bishacasi soo marisay Xafiiskeeda magaalada Gaalkacyo oo ugu deeqay xarumaha Caafimaadka ee buuhoodle, Masuuliyiinta Caafimaadka buuhoodle ayaa Ceegaag.com u sheegay inay haatan daawadaasi la gaadhsiiyey degmooyinka iyo tuulooyinka si dadka bukaanka ahi loo gaadhsiiyo.
 
 
 
Calidhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com