shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid faysal Cali waraabe oo Laascaanood gaadhay isla Markiiba ka baxay gudaha magaalada, kadib Mudaharaad balaadhan oo magaaladaasi maanta ka dhacay oo Watay rabshado

(Laascaanood,  June 01,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Laascaanood Waxa Maanta Gaadhay Wafti balaadhan oo Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland ENG Faysal Cali Waraabe oo maanta laascaanood markii uu gaadhay Magaalada kala Kulmay Mudaharaad balaadhan oo Wata rabshado sababay in Ciidamada Booliska ee gobolkaasi ku sugani ay Xabisyada dhigaan Qaarkamid ah shacabkii maanta dhigay Mudaharaadka balaadhan ee looga soo Horjeeday Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCid Faysal Cali Waraabe.
 
 
Gudoomiyaha Xisbiga UCID faysal Cali Waraabe ayaa markii ay Mudaharaadkaasi balaadhan la kulmeen isaga baxay guud ahaan magaalada Laascaanood isagoo intii rabshadu socdeen Qaarkamid ah taageerayaashiisa kala hadlay Xarunta dawlada Hoose ee magaalada Laascaanood una sheegay hadii uu Qabto jagada Madaxwaynaha inuu Reer Laascaanood waxbadan u Qaban doono.
 
 
Intii uu socday Mudaharaadku ayaa shabakda Wararka ee Ceegaag.com taleefoonka kula Xidhiidhay Qaarkamid ah dadkii Mudaharaadkaasi ka Qayb galay oo isugu jira Dumar iyo rag waxna Ceegaag.com Waydiisay Qaabka mudaharaadku Laascaanood Maanta uga dhacay?

 Mudaaharadaayaasha reer Laascaanood    Dhagayso


Dhinaca kale Ciidamada Booliska magaalada laascaanood ayaa rasaas xoogan ku furay shacabkii iyagu maanta Mudaharaadka ka dhigay magaalada laascaanood ee ka soo horjeeday Imaanshiiyaha Faysal Cali Waraabe ee Laascaanood.

Faysal Cali Waraabe ayaa horay ugu dhawaaqay inuu Xukunka Somaliland Xoog ku gayndoona xuduudaha Soamaliland.
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
Email calidhagjar@hotmail.com


webmaster@ceegaag.com