shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

General Stanley McChrystal oo markii sadexaad si toosah u weeray Hogaanka Obama oo shaqadii laga eryay

 (Washington,  June 23,  2010 Ceegaag Online)

Genaraalka aadka u afka adag ee Stanley McChrystal ayaa maanta laga caydhiyay hogaamintii ciidamada Maraykanka ee ka dagaalamaya wadanka Afgaanistaan kadib markii uu si toos ah u weeraray Madaxwayne Obama.

Talaabadan ayaa ka dhigasa markii labaad ee shaqada laga caydhiyo Generaal ku gudo jira xaalad dagaan taariikhda wadankan Maraykanka iyada oo ay uun dhacday markii u horeesay kadib markii Madaxwayne Harry S. Truman  shaqada uga eryay General Douglas MacArthur dagaalkii Kuuriyada ee Kontomaadkii qarnigii tegay.

Madaxwayne: Harry S. Truman    Vs             Gen.  Douglas MacArthur

Madaxwayne Obama ayaa shaqada ka caydhiyay Gen. David McKiernan si uu shaqada ugu dhiibo Gen. Stanley McChrystal mudo hada laga joogo sanad uun.

 

Gen. David McKiernan

Gen. Stanley McChrystal ayaa Septembertii lasoo dhaafay warqad uu u qoray Madaxwayne Obama laga war helay iyada oo ku daabacan Jariirada afka dheer ee Washington Post.

Sidoo kale Genaralku wuxuu weeray madaxwayne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden isaga oo ku tilmaamay nin aan wax aqoon ah u lahay hawlaha xaga militariga. Sidaa awgeedna aan waxba laga waydiinayn dagaalka Afgaanistaan hadii talooyinkiisa la raacana lagu jabidoono dagaalka waasida uu hadalka u dhigay e. isaga oo sii raaciyay taatiko xaga dagaalka ah oo aan u ogolaanin reer Afkaanistaan inay hantaan arimaha wadankooda waa arin aan mareekanka dhaxalsiinay ujeedadii uu ugu duulay Afgaanistaan.

Madaxwayne ku xigeenka maraykanka Joe Biden

Madaxwayne Obama ayaa la tacaalaaya arimo isbiir biirsaday iyada oo dhamaan badanaa shaqada laga caydhiyay ragii ugu sarsareeyay Ciidanka Mareekanka, caydhintaa oo uu fuliyay wasiirka Gaashaandhiga ee wadankan maraykanka Robert Gates

W. Gaashaandhiga: Robert Gates

Generaalada La caydhiyay ee wasiirka gaashaan dhigu caydhiyay ayaa waxaa kamid ahaa 

General George W. Weightman of Walter Reed Army Medical Center

General Francis Harvey Xoghayaha Ciidamada

General T. Michael Moseley

Secretary Michael W. Wynne

Lieutenant General Kevin C.

Vice Adm. John Stufflebeem

corps. maj. gen. david hens

Hadaba Su'aasha iswaydiinta mudan ayaa ah iyada oo sidaa  loo caydhinayo Generaaladii sideebuu madaxwayne Obama ugu guulaysan doonaa inuu ka jibo keeno Dagaalada uu kula jiro  Dunida Islaamka kuwooda lagu tilmaamo Xag-jirayaasha!.

Eng. Xuseen Fiin

Boston, USA

webmaster@ceegaag.com