shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafi ka socda Maamulka Puntland oo lagu Wado inay safar ugu baxaan Wadanka Ethiopian

 (Buuhoodle,  June 20,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Garowe gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada magaalada garoowe Waxaa ka socda diyaar garow xoogan oo Maamulka puntland ugu jiro sidii Qaarkamid ah Madaxda puntland safar shaqo ugu safri lahaayeen magaalada Addis-Ababa ee xarunta Ethiopia.
 
Ceegaag.com ayaana heshay Warar Madaxbaan oo laga helayo Madaxtooyada magaalada garoowe Waxana Safarka Waftigaasi Hogaaminaya  madaxweyne xigeenka Puntland Cabdi samad Cali shire Waxna kaloo Waftigaasi kamid ah Qaarkamid ah Xubnaha golaha Wasiirada ee Maamulka puntland.
 
Ujeeda safarkaasi Wafigaasi ayaa lagu sheegay sidii Maamulka puntland Dawlada Ethiopia ugala Xaajoon lahaa Gaadiidkii Bishii hore Ciidamada Ethiopian ku ka Wadaan magaalada buuhoodle, gaadiidkaasi oo hada ku sugan gudaha Wadanka Ethiopian, Madaxwayne kuxigeenka puntland iyo Waftigiisa ayaa lagu Wadaa inay safar kutagaa magaalada Jig jiga ee Caasimada kilinka shanaad Waxna halkaasi Wadahalo uga bilaami doonaa masuuliyiinta dawlada itoobiya.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com