shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada yaman oo walaac ka muu jisay isbalaadhinta budhcad badeeda Soomaalidu isku balaadhiasay Khooriga Cadmeed iyaga oo ugu baaqay aduunwaynuhu inuu dib u yagleelo dawladnimadii Soomaaliya.

(New York,  June 13,  2010 Ceegaag Online)

Shalayto  ayaa wakiil Cabdala Sacdi oo ah ninka dawlada carbeed ee Yaman qusulkeeda u fadhiya guriga madow ee laga hago danaha aduunka ee ku yaala magaalada New York ama Soomaalidu ugu yeedho  Qaramada midoobay carabkiisa ku balaadhiyay dhibaatada soo gaadhay dalkiisa Yaman.

Cabdala Sacdi ayaa aduunka u sheegay in kaluumaysatadoodii la'laayay iyaga oo  lagu qaladay kaluumaysatada Soomaalida, uuna doonayo in magdhaw la siiyo.

Waxaa kale oo uu sheegay in dhibaato ka soo gaadhay maraakiibtii ku sii nasan jiray Khooriga Yaman oo haatan u boqoolay inay u wareegaan dhinaca koonfureed ee qaarada Afrika kadib budhcadbadeeda Soomaalida oo ku guulaysatay inay agagaarka bada Soomaaliya  cidina si sahal ah oo nabadgalyo ah ku marin.

Arintan ayaa bidhaaminasa in dawladaha shisheeye ee ku soo daabuleenaya ciidamadooda dagaalka bada Soomaaliya aysan ahayn kuwo ladagaalamaya Budhcad badeeda balse ay yihiin kuwu ku aasaya Sunta hadhaaga qashinka warshadaha ama ilaalinaya qashin horay loogu aasay Badeena Soomaaliya.

Dawlada Yaman ayaa is lahay afka ayaad u dhigan doontaa dhamaan kharashaadka laga helo mar markiibtu kugu nasato, madaama ay Soomaaliya bilaa Dawlad ahayd ayaa haatan garawsatay inaan dawlad la’aanta Soomaaliya cidina dani ugu jirin.

 

X. Fiin

Boston,USA

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com